Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo shiray xilli ay xiisad siyaasadeed jirto

Image
Kulankan ayaa yimid iyadda oo uu kulamada Aqalka Sare hakad ugu jiraan maqnaanshiyaha xubnaha Koonfur Galbeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana ay ka wada hadleen shaqada Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada Guddoomiye ayaa isla soo hadalqaaday xoojinta iyo dardargelinta wada shaqeynta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa aqal iyo ka wada shaqeynta shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM