Aadan Madoobe oo dalbadey in guddi loo saaro xaalada Laascaanood

Image
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa muujiyey in ay tahay wax laga xumaado sida xaalka magaalada yahay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 7-aad ee Golaha Shacabka BJFS oo ay wehliso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka maanta oo ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee hindisa sharciyeedka cunaqabataynta maaliyadeed ee cayiman, iyo warbxinta xildhibaannada deegaan doorashooyinkoodu ugu maqnaa ka xorreynta kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xildhibaannadda Golaha Shacabka warbixin ka siiyey hindise sharciyeedka cunaqabatayn maaliyadeed ee cayiman.

Wasiirka ayaa sharraxaad ka bixiyay muhiimadda sharcigan inuu dalka wax ka bedeli karo nidaamka maaliyadeed ee dalka. Xildhibaannadda Golaha Shacabka ayaa iyagana waxay soo jeediyeen in dib loo saxo qaladaad ka jiray buugga loo qeybiyay Golaha.

Dhanka kale Xildhibaannada qaar ee Golaha Shacabka ayaa ka warbixiyay xaalada deegaan doorashooyinkooda kuwaaso kala matalaayay Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, iyagoo sheegay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah argagaxisada lana gaarsiiyo gargaar deegaannada la xorreeyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa waxa uu soo jeediyay in guddi loo saaro arrinta Gobolka Sool, isagoo muujiyey in ay tahay wax laga xumaado loona turo dadka shacabka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM