Aadan Madoobe oo shaaciyey mowqifkiisa xiisada kuraasta Gedo

Image
Guddoomiyaha cusub ee Aqalka Hoose ayaa sharaxay qaabka uu u wajihi doono xalka qadiyaddan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Sheekh Aadan Madoobe, guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka oo wareysi siiyey idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono badbaadinta dalka.

Doorashadda madaxweynaha 10aad oo wali aan la muddeyn balse la filayo in ay ku qabsoonto muddo ku suntan 15-ka maalmood ee nagu soo aadan ayuu tibaaxay in ay noqon doonto mid daahfuran.

Xiriirka dowlad goboleedyadda iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo si weyn dhaawac uu u soo gaarey shantii sano ee lasoo dhaafay ayuu ka dhawaajiyay in uu ka shaqeyn doono sidii loo hagaajin lahaa.

Baarlamaanka labadiisa gole - Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare - ayuu hoosta ka xariiqay in ay la xisaabtami doonan xukuumadda federaalka "iyadda oo aan cidna la maageyn laguna shaqeynayo sharciga".

"Kow waxaa hadda noo ah deg-deg in aan u qabano doroashadda madaxweynaha kadibna lasoo magacaabo ra'iisul wasaaraha kadibna uu isaga soo dhiso xukuumadda," ayuu Aadan Madoobe carabka ku adkeeyay.

Mar wax laga waydiiyey kuraasta lagu muransan yahay gobolka Gedo, guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ku nuux-nuux-sadey in uusan ku deg-degi doonin isla markaana uu tallooyinka u badsan doono.

"Guddoomiyaha ku meelgaarka ayaa arrintan iiga horeeyay. Aniga oo ka eegaya dhinaca wanaaga iyo sharciga ayaan go'aan ka qaadan doonaa Insha Allah," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay guddoomiye Aadan Madoobe.

Doorasho ay taageerayaan xukuumadda xilgaarsiinta iyo Jubaland ayaa ka dhacdey magaaladda Ceelwaaq, halka Villa Soomaaliya ay abaabushay coddeyn ka qabsoontey magaaladda Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM