Aadan Madoobe oo tagay Xudur xilli ay jirto xiisad siyaasadeed

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Muddo xileedka madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen ayaa xudun u ah xasarada siyaasadeed oo laga cabsi qabo in au gacan ka hadal dhaliso.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool.

Aadan Madoobe ayaa waxaa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana garoonka ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Bokool, kan degmada iyo dadweyne aad u tira badan.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka iyo Guddoomiyaha degmada oo Guddoomiyaha uga warbixiyay xaalada gobolka iyo guud ahaan deegannada ku xeeran, iyagoo sheegay in gobolkan uu muddo go'doonsan yahay islamarkaana dadka degaanka aysan helin nolol ku filan iyo Kooxda Khawaariijta Al-Shabaab oo dadka u diiday xornimo inay ku noolaadaan.

Maamulka iyo shacabka magaalada Xudur ku ammaanay sida dadka deegaanka ay u diideen inay wax ku darsadaan kooxda Khawaariijta, isla-markaana muujiyeen dhabar adeeg iyo geesinimo isagoo xusay in ay hada diyaar u yihiin iska xorreynta kooxdan caadeysatay gummaadka ummadda Soomaaliyeed.

Socdaalka guddoomiyaha ayaa imaanaya xilli Koonfur Galbeed ay ka jirto xiisad salka ku haysa muddo xileedka madaxwayne Laftagareen. Aadan Madoobe ayaa horey ugu baaqay shir dib-u-heshiisiin ah kaasoo ku saabsan la filayo in uu dhowaan ka qabsoomo magaalada Baydhabo wallow cago jiid badan uu jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM