Aadan Madoobe oo UN-ka kala hadlay dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Image
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM), Anita Kiki Gbeho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM),Anita Kiki Gbeho.

Kulanka oo looga hadlay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa Anita Kiki waxay si buuxda u taageertay dadaalada uu hormuud ka u yahay Guddoomiyaha, sidda laga soo xigtey xafiiska Aadan Madoobe.

War-saxaafadeedka ayaa la raaciyey: "Waxay muujisay inay tahay wadada ugu wanaagsan ee xalka uu kujiro si loo helo isfaham bulsho loona sii amba qaado xorreeynta deegaannada argagaxisada go'doomiyeen si loo gaarsiiyo gargaar bini'aadantinimo".

"Sidoo kale Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa sheegtay UNSOM inay sii wadi doonto taageeradda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya," ayuu tibaaxay.

Aadan Madoobe ayaa sidoo kale Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Kaalmeynta Soomaaliya la wadaagay warbixin ku aaddan booqashooyinkii uu ku tagay degmooyinka Xudur iyo Baydhabo oo ay ku noolyihiin dad ka soo barakacay deegaannada ay ku sugan yihiin kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

"Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa ku booriyay in deegaannadaas la booqdo si wax loogu qabto dadka danyarta ah ee aan heysan nolol maalmeed ku filan," ayaa lagu soo xiray bayaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM