Aadan Madoobe oo warbixin cusub laga siiyey kiiska badda

Image
Image
Image
Image
Image
Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa booqdey xarunta Maxkamadda ICJ ee magaaladda The Hague.

THE HAGUE, Holland - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICJ ee Joan Donoghue.

Aadan Madoobe ayaa booqasho rasmi ah wuxuu ku joogaa magaalada The Hague ee dalka Netherlands halkaasoo uu gaarey todobaadkan kadib markii uu casuumaad ka helay dhigiisa dalkaas.

"Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, ayaa waxaa xarunta Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICJ ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Maxkamadda Marwo Joan E. Donoghue," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

War-saxaafadeedka ayaa intaas waxaa kusii daray: "Kulanka wuxuu ahaa isbarasho iyo is xogwareysi ku aaddan sidii Soomaaliya loogu faaideyn lahaa shaqada garsoorka".

"Sidoo kale, gudoomiyaha ayaa warbixin laga siiyey kiiskii badda Soomaaliya iyo Kenya oo Baarlamaanka KMG ah diideen xiligii uu gudoomiyaha ahaa iyo qaabka ay u shaqeyso maxkamadda iyo taariikhdeeda," ayaa la raaciyey.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Sheekh Aadan iyo wafdigiisa oo Joan Donoghue uga mahadceliyey soo dhoweynta ballaaran ee loo sameeyey ayaa xusay in maxkamadda ay gacan ka geeysato sidii loo tayeyn-lahaa adeegyaadda garsoorka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM