Abdimalik Jones oo Muqdisho la keenay

Image

December 9, 2015 (GO)- Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo labo maalmood kahor isu soo dhiibay ciidamada Dowladda Federaalka ee Baraawe ku sugan ayaa maanta oo Arbaco ah lasoo gaarsiiyey magaalada Muqdisho.

Ninkan oo lagu magacaabo Abdimalik Jones islamarkaana ah Maraykanka madow, wuxuu Al-shabaab isaga baxay kadib markii isaga iyo koox uu ku jiro oo taageero u muujiyey Daacish loogu hanjabay in la dili doono.

Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranaka ayaa la wareegtay Jones. Warar aan sugneyn ayaa tibaaxaya in ninkaas lagu wareejin doono dowladda Marayakanka.

Dhowrkii bilood ee u dambeeyey waxaa soo shaac baxay khilaaf u dhexeeya hoggaanka sare ee Al-shabab, khilaafka ayaa ka dhashay ka go'aan gaarista in Al-shabaab ku biirto Daacish iyo inay kasii mid ahaato Al-qacida. 

Xubno ajnebi u badan oo taageersan fikirka ah in lagu biiro Daacish ayaa ka goostay Al-shabab, waxayna taasi keentay in dagaallo kooxda dhexdeeda ahi ka dhacaan gobolka Jubbada Dhexe. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM