Abiy Axmed oo balanqaad u sameeyay Xasan Sheekh Maxamuud
ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in Addis Ababa ay si dhow ula shaqeyn doonto dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in uu si dhow ula socdo ammaanka dalka Geeska Afrika oo la daalaa dhacaya xasillooni darro.
Itoobiya ayaa si dhow ula shaqeyneysay Soomaaliya gaar ahaan intii uu xilka hayay Maxamed C/llaahi Farmaajo balse wada shaqeynta waxaa inta badan caqabad ku ahaa mucaaradka oo tan iyo markii uu soo dhisay dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.
Intii lagu guda jiray caleema saarka Xasan Sheekh ee Khamiistii, Abiy Axmed ayaa ku adkeystay in Addis Ababa ay si dhow ula shaqeyn doonto maamulka cusub ee Muqdisho, isagoo intaa ku daray inay ka go'an tahay dib u dhiska dalka oo burbursanaa tobanaan sano.
“Waxaan maanta halkan u taaganahay in aan idin taageero Itoobiya, sida aad ogtihiinna marka aad bilowdaan dadaalkiina dib u dhiska Soomaaliya waan idin garab joognaa, waxaana hubaa in aad ku guuleysan doontaan,” ayuu yiri Abiy oo la hadlay Wakaaladda Wararka Itoobiya.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Dina Mufti oo la hadlayay warbaahinta labadii toddobaadba mar ayaa dhambaalkiisa ku sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu ku caddeeyay inay Itoobiya ka go’an tahay inay sii xoojiso xiriirka dhinacyada badan leh ee kala dhexeeya Soomaaliya, ayuu yiri Dina.
Itoobiya ayaa sidoo kale la dagaalamaysa caqabado gudaha ah kadib dagaal ka dhacay gobolka Tigray oo ay ku dhinteen kumannaan qof. Abiy Axmed ayaa lagu eedeeyay in uu ku guul daraystay in uu xakameeyo khilaafkii kala dhexeeyay Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray [TPLF].
Warbixin uu soo gudbiyay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in askar Soomaali ah oo tababar ku qaadaneysay Eritrea si qarsoodi ah loogu geeyay magaalada Axum ee gobolka Tigray halkaas oo ay ka geysteen dil wadareed. Si kastaba ha ahaatee, labada dowladood ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa beeniyay eedeymaha culus.
Hadda, Itoobiya waxaa ka jooga ku dhawaad 4000 oo askari oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [ATMIS] kuwaas oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab. Itoobiya ayaa lagu tiriyaa in ay door muhiim ah ka ciyaartay sidii ay maleeshiyada uga saari lahayd caasimadda Muqdisho.
GAROWE ONLINE