Afar caqabadood oo Mahad Salaad ku sugeysa hay'adda NISA

Image
Dhamaan kiisaskan ayaa ah kuwa lagu galay magaca hay'adda shantii sano ee lasso dhaafay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya ayaa maanta waxay meelmarisay in Mahad Maxamed Salaad uu noqdo agaasimaha cusub ee hay'adda sirdoonka qaranka.

Talaabadan waxay kusoo aadaysaa xilli aan wali la magacaabin ra'iisul wasaare cusub kadib doorashaddii madaxwayne Xasan Sheekh. Mahad waa xubin ka tirsan Golaha Shacabka.

Qoraal kasoo baxay shirka golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri: "Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay Magacaabista Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo loo magacaabay Mudane Mahad Maxamed Salaad".

Salaad ayaa wuxuu badalayaa Yaasiin Farey oo qudhiisa kamid ah Golaha Shacabka isla markaana si ku meelgaar ah u hayey xilka kadib markii laga qaadey Fahad Yaasiin Daahir.

Hambalyo guud ayaa qabsatay baraha bulshadda kadib markii ay soo shaac-baxdey magacaabida Mahad Salaad taasoo warbaahinta loosoo dusiyey maalmo kahor inta aysan rasmi noqon.

Maxaa horyaala agaasimaha cusub?

NISA ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay ku suntaneyd ku dhex-milanka siyaasadda. Maamulkii Farmaajo waxaa lagu dhaleeceeyay in uu hay'adda ka dhigay aalad uu ku caburiyo mucaaradka.

Shirqoolo siyaasadeed oo ay ugu caansan yihiin dilalkii Ikraan Tahliil Faarax iyo Xildhibaanad Aamina Maxamed ayaa sidoo kale waxay kamid yihiin kiisaska lala xiriiriyey magaca NISA.

La dagaalanka Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay si weyn uga gaabisay hay'adda shantii sano ee lasoo dhaafay ayna taas badalkeeda xoogga saartey basaasidda siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Qaar kamid ah madaxda waaxyadda NISA iyo saraakiisha kamidka ah hay'adda waa kuwa horey uga soo goostey argagixisadda taasoo hoos u dhigtey wadashaqeyn ay ka hesho qeybaha bulshada.

Dhamaan kiisaskan waxay kamid yihiin waajibaadyadda culus ee horyaala agaasinka cusub kuwaasoo u baahan wax ka qabasho deg-deg ah si ay ugu soo noqoto kalsoonida ay shacabka ku qabi karaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM