Afar fariin oo ku jirtay khudbadii Xasan Sheekh ee baarlamaanka
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadiisa furitaanka kalfadhiga saddexaad ee baarlamaanka federaalka ayaa waxa uu uga faa'iideystay in uu diro afar fariimo siyaasadeed.
Fariimahan ayaa u muuqda in ay jawaab u yihiin guux siyaasadeed oo lagu tuhmayo maamulkiisa halka sano jira taasoo laga yaabo in ay ku furto mowjado mucaarid kaga imaanaysa dhinacyo kala duwan.
Ciidanka & siyaasadda
Bilowga hadal-jeedintiisa dhacdey 29-kii May, 2023, madaxwayne Xasan Sheekh ayaa waxa uu xusay in uu mas'uuliyada la wareegay "amniga oo murugsan" iyo "in uu ciidamada ka saarey siyaasadda".
"Markii xilka dalka la ii doortay bishii May 2022, amniga dalka waxaa uu ku sugnaa xaalad aad u murugsan. Waxaan la kowsannay oo aan dhaxalnay ciidan si weyn u kala qaybsan oo faraha kula jira siyaasadda. Waxaan durbadiiba qaadannay tilaabooyin dhiig-joojin ah iyo kuwa ku saleysan istraatiijiyada mustaqbalka dhow iyo midka fogba," ayuu yiri.
Wuxuu raaciyey: "Maanta oo aan xilka hayno muddo sannad ah, waxaan ku guuleysannay inaan xaalad middi hore aad uga wanaagsan oo lagu faani karo suurtagelinno. Waxaan dib u habaynay ciidamadda, waxaana dib u soo celinnay kala dambeyntooda iyo wada shaqayntooda kana fogeeynay in ay ku milmaan siyaasadda".
Dagaalka Al-Shabaab
Hadal u muuqda mid jawaab u ah siyaasiyiin ay ku jiraan murashaxiintii la tartantey 15-kii May, 2022 oo ku booriyey in uu diiradda saaro dagaalka Al-Shabaab, Xasan Sheekh ayaa dalbadey in aan la siyaasadeyn arrinkan.
"Waxaan rabaa in aan labada gole ee Barlamaankeena sharafta leh hortiisa hoosta uga xariiqo in dagaalka Al-shabaab uusan ahayn mid siyaasad geli kara. Dhiigga iyo amniga shacabka Soomaaliyeed ma ah mid siyaasad iyo gorgortankeeduba ka furan yihiin," ayuu xusay.
Wuxuu ku daray: "Sidaa daraaddeed, waxaan aaminsanahay iney waajib tahay in laga fogaado isqabqabsi kasta oo siyaasadeed oo fursad looga mashquulo u abuuri kara Khawaaarijta Al-shabaab".
Hanaanka Deyn cafinta
Sidda laga soo xigtey rajadda madaxweynaha, Soomaaliya ayaa laga cafin doonaa deymaha dhamaadka sanadkan 2023-ka "balse waxaa muhiim in aan la siyaasadeyn hanaanka deyn cafinta".
"Si la mid ah arrinka la dagaalanka Khawaarijta iyo adkaynta amniga dalka, waxaan rabaa in halkaan ka caddeeyo in dayn-cafintu tahay mid uu shacabkeennu ku dheefsan doonaan Ilaahey idinkiisa," ayuu xusay Xasan Sheekh.
Waxa uu tibaaxay: "Sidaa daraaddeed, dayn-cafintu waa in ay noqotaa mid ka caaggan siyaasad oo aan lagu tolin rabitaannada siyaasadeed ee kala duwan ee siyaasiyiinta dhex oolli kara. Si kale haddii aan u dhigo, dayn-cafintu siyaasadayn ma geli karto".
Xatooyada xoolaha dadka
Ugu dambeyn, madaxwayne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ku nuux-nuux-saday in uusan wax dulqaad ah u muujin doonin nooc walba oo musuqmaasuq ah kuna jirto xatooyadda xoolaha dadka.
"Waxaan doonayaa inaan boggaadiyo dedaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya billowday ee ku abbaaran la-dagaalanka musuq maasuqa iyo xatooyada xoolaha dadweynaha," ayuu caddeeyay.
Waxa uu intaas sii raaciyey: "Marna loo dulqaadan maayo in shillinka laga soo qaado wadaha bajaajta, gobadha jidka hareertiisa ku gadda shaahiga, ganacsadaha kale iyo qof kasta oo magaca dowladnimo looga qaado xoolo in qof ku dheefsado oo guryo iyo hanti ka sameeysto.
"Waxaa naga go’an in cid kasta oo xadda xoolaha dadweynaha la marsiiyo waxa uu sharcigu ka qabo oo aanan la isugu aabbayeelin. Fariintayda ayaa ah "Xoolaha dadweynaha hala nabadgeliyo," ayuu kusoo xiray.
GAROWE ONLINE