Afar ku dhimatey shil gaari oo ka dhacay duleedka Garowe

Image

February 12, 2015 (GO)- Afar qof ayaa ku dhintey shan kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay duleedka koonfureed ee magaalada Garowe.

Gaariga shilka galay oo noociisu ahaa Toyota Noah wuxuu kasoo baxay dhanka magaalada Galkacayo isagoo kusii jeedey magaalada Hargeys ee xarunta maamulka Somaliland.

Dadka dhaawaca ah oo qaarkood xaaladoodu halis tahay waxaa lasoo gaarsiiyey isbitaalka guud ee magaalada Garowe halkaasoo xilligan xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Boqollaal qof ayaa sanad walba ku geeriyooda shilalka gaadiidka ee ka dhaca Soomaaliya, waxaana badankooda loo aaneeyaa khibrad yarida wadeyaasha gaadiidka iyo jidadka oo burbursan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM

Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya oo Amnigiisa sugnayn, Xogta Dad badan oo Khatar Ku Jirta

Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa ku guuleysatay inay ku celiso nuglaanshaha uu tilmaamay isha xogta bixisay.

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:26AM