Afar ku dhimatey shil gaari oo ka dhacay duleedka Garowe

Image

February 12, 2015 (GO)- Afar qof ayaa ku dhintey shan kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay duleedka koonfureed ee magaalada Garowe.

Gaariga shilka galay oo noociisu ahaa Toyota Noah wuxuu kasoo baxay dhanka magaalada Galkacayo isagoo kusii jeedey magaalada Hargeys ee xarunta maamulka Somaliland.

Dadka dhaawaca ah oo qaarkood xaaladoodu halis tahay waxaa lasoo gaarsiiyey isbitaalka guud ee magaalada Garowe halkaasoo xilligan xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Boqollaal qof ayaa sanad walba ku geeriyooda shilalka gaadiidka ee ka dhaca Soomaaliya, waxaana badankooda loo aaneeyaa khibrad yarida wadeyaasha gaadiidka iyo jidadka oo burbursan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM