Afhayeenka Rooble Macalimuu oo loo qaadey dibadda [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Galabta dalka Turkiga loo qaadey Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu kadib dhaawac culus oo shalay kasoo gaarey qaraxa lagu eegtay Muqdisho xili uu shaqada kusii jeeday.

Waxaana ku sagootiyey Garoonka Aaden Cadde xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Mas’uuliyiinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo saxafiyiin Soomaaliyeed, oo saaxiibo la ah wariye hore Macalimuu.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ballan qaaday in xukuumaddu ay dadaal ku bixin doonto baxnaaninta dhaawaca Afhayeenka oo shalay qof naftii hallige ah la beegsaday Qarax, sida uu sheegay agaasimaha Warfaafinta Xafiiskiisa Liibaan Cabdi Cali.

Dhaawaca Afhayeenka ayaa la sheegay in loogu qaadayo dalka Turkiga daaweyn dheeraad ah kadib markii dhaqaatiirta Isbitaalka Erdogan ay wax ka qaban waayeen tan iyo shalay. Waa markii 5aad ama 4aad oo Macalimuu ku dhaawacmo qarax.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxii shalay ee lala eegtay Afhayeenka Xukuumadda, kaasoo uu fuliyay nin isku soo xiray walxo qarxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM