Afhayeenkii AMISOM Kol. Cali Aadan Xaamud oo xilka laga qaadey

Image

December 27, 2014 (GO)- Waxaa shaqada laga eryey af-hayeenkii ciidamada AMISOM Kol. Cali Aadan Xaamud labo maalmood kadib markii Al-shabaab weerartay saldhigga ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in hadda kadib Cali Xaamud ahayn af-hayeenka AMISOM balse wixii khuseeya ciidanka wax laga weydiin doono sarkaal kale oo lagu magacaabo Eloi Yao.

Lama sheegin sababta xilka looga qaaday af-hayeenkii hore oo isagu u dhashay dalka Jabuuti xilkaasna loo soo magacaabay bartamihii sanadkii 2012.

Xaamud ayaa 48dii saac ee lasoo dhaafay la hadlay tobannaan kamid ah warbaahinta caalamiga ah iyo midda gudaha isagoo ka warbixiyey weerarkii Al-shabaab kusoo qaaday saldhigga Xalane.

Warar is khilaafsan ayuu ka sheegay baaxada khasaaraha iyo qaabka uu weerarku u dhacay isagoo dhanka kale xusay in la baarayo sababta keentay in Al-shabaab xeradaha gudaha u gasho islamarkaana uu jiro baaritaan ku socda dhinacyo laga shekiyey.

Labo maalmood kahor ayey ahayd markii ugu yaraan 8 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab weerar qorsheysan kusoo qaadeen xerada Xalane ee saldhig u ah taliska guud ee AMISOM.

Qaar kamid ah ayaa ku guuleystey inay xerada gudaha u galaan iyagoo difaac ka dhigtey goob shidaalka lagu kaydiyo halkaasoo shalay gelinkii hore lagu guuleystey in laga saaro kadib markii qayb la toogtey kuwo kalena markii rasaastu ka dhamaatay is qarxiyeen.

Khasaaraha guud ee weerarkaas ka dhashay ayaa ahaa geerida 15 qof oo isugu jira kooxdii weerarka soo qaaday, askar AMISOM ka tirsanaa, saraakiil caddaan ah iyo rayid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM