Afhayeenkii AMISOM Kol. Cali Aadan Xaamud oo xilka laga qaadey

Image

December 27, 2014 (GO)- Waxaa shaqada laga eryey af-hayeenkii ciidamada AMISOM Kol. Cali Aadan Xaamud labo maalmood kadib markii Al-shabaab weerartay saldhigga ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in hadda kadib Cali Xaamud ahayn af-hayeenka AMISOM balse wixii khuseeya ciidanka wax laga weydiin doono sarkaal kale oo lagu magacaabo Eloi Yao.

Lama sheegin sababta xilka looga qaaday af-hayeenkii hore oo isagu u dhashay dalka Jabuuti xilkaasna loo soo magacaabay bartamihii sanadkii 2012.

Xaamud ayaa 48dii saac ee lasoo dhaafay la hadlay tobannaan kamid ah warbaahinta caalamiga ah iyo midda gudaha isagoo ka warbixiyey weerarkii Al-shabaab kusoo qaaday saldhigga Xalane.

Warar is khilaafsan ayuu ka sheegay baaxada khasaaraha iyo qaabka uu weerarku u dhacay isagoo dhanka kale xusay in la baarayo sababta keentay in Al-shabaab xeradaha gudaha u gasho islamarkaana uu jiro baaritaan ku socda dhinacyo laga shekiyey.

Labo maalmood kahor ayey ahayd markii ugu yaraan 8 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab weerar qorsheysan kusoo qaadeen xerada Xalane ee saldhig u ah taliska guud ee AMISOM.

Qaar kamid ah ayaa ku guuleystey inay xerada gudaha u galaan iyagoo difaac ka dhigtey goob shidaalka lagu kaydiyo halkaasoo shalay gelinkii hore lagu guuleystey in laga saaro kadib markii qayb la toogtey kuwo kalena markii rasaastu ka dhamaatay is qarxiyeen.

Khasaaraha guud ee weerarkaas ka dhashay ayaa ahaa geerida 15 qof oo isugu jira kooxdii weerarka soo qaaday, askar AMISOM ka tirsanaa, saraakiil caddaan ah iyo rayid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo qabatay shir ka dhan ah hubka sharci darrada ah

Shirka ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhaqan-gelinta qaraarro ay horay usoo saareen Golaha Wasiirrada.

  • Soomaliya

    22-09-2024

  • 12:12PM

Xamse oo wafdi ballaaran u kaxeystay shirka loo dhan-yahay ee UN-ka

“Cidna yaan laga tagin” waa hal-ku-dhegga sanadkan ee shirweynaha guud ee Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    22-09-2024

  • 10:03AM