AFICOM oo loo “fasaxay” dumaymaha cirka ee Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika AFRICOM, ayaa loo fasaxay duqaymaha cirka ah ee ay ka gaystaan guddaha Soomaaliya sida ku cad qoraal ka soo baxay taliska oo looga hadlay howlgal ay si wadajir ah ula fuliyeen ciidanka kumaandooska Soomaaliya oo ka dhacay deegaanka Dububley ee gobolka Hiiraan.
“Ciidamada Maraykanka ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro lagu taageerayo ciidamada kumaandoowska Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasha dagaalka ee hoos yimaada Oggolaanshaha Isticmaalka Ciidanka Milatariga 2001” ayaa ku cad bayaanka ka soo baxay AFRICOM.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa Talaadadoo qaaday weerar dhanka cirka ah oo ka dhan ah argagixisada al-Shabaab ka dib markii ay weerar ku qaadeen ciidamo huwan ah meel fog oo u dhow Dudubley ee gobolka Hiiraan.
AFRICOM ayaa sheegtay in “Qiimaynta khasaaraha dagaalka ay wali la sugayaan balse qiimaynta horudhac ah ay muujinayso in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeyntan.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tillaabo weyn oo looga hortagayo khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah sida uu sheegay taliska Africom.
“Dadaalladan ayaa ka duwan weerarada aan loo meel dayin ee ay Al-Shabaab si joogto ah u geysato dadka rayidka ah” ayaa lagu sheegay qoraalka taliska Maraykanka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa waxaa weli ka go’an la dagaalanka Al-Shabaab si looga hortago dhimashada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
“Ururada xagjirka ah ee rabshadaha wada sida al-Shabaab ayaa soo bandhiga khataraha mustaqbalka fog ee Maraykanka iyo danaha gobolka” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka AFRICOM.
Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya waxay wadashaqeyn la leeyihiin kuwa AMISOM ee ka socda Midowga Afrika, Soomaaliyana ku tagay qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay wareegto ciidamada Mareykanka looga saarayo Soomaaliya.
Faragalinta milatariga Mareykanka ee Soomaaliya hadda ku sugan ayaa soo billaabatay sanadkii 2007-kii, markaasoo duqeymo ay fulisay diyaaradda nooceedu yahay AC-130 lagu dilay dad ay rayid ka mid yihiin.
Sanadkii lasoo dhaafay ayey ciidamada Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen duqeymihii ugu badnaa abid, oo gaarayay ilaa 60 weerar oo xagga cirka ah.
Weerarradaas oo la kala fuliyay bilihii Janaayo, Febraayo, Maarso, Abriil, Luulyo, Agosto, Oktoobar, Nofeembar iyo Diseembar 2020 ayaa lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsan xubnaha Al-Shabaab iyo dad shacab ahba.
Sanad ka hor ayay ahayd markii qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka ay tebiyeen in sarkaal ka tirsan hay'adda sirdoonka Maraykanka ee CIA-da uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray hawlgal uu qeyb ka ahaa oo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.
GAROWE ONLINE