AFRICOM: Al-Shabaab waa garabka ugu taajirsan Al-Qaacida
MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gobolka geeska Afrika, ayaa noqotay tahay kooxda ugu taajirsan unugyada ku xiran shabakadda Al-Qacida ee dunida ka howl-gala sida uu shaaca ka qaaday, Jeneraal Stephen Townsend, oo ah taliyaha taliska ciidamada Mareykanka Afrika (AFRICOM).
"Al-Shabaab waa ciidanka ugu ballaaran, ugu taajiirsan uguna firfircoon ee Al-Qacida ay ku leedahay dunida, waxayna halis ku yihiin Mareykanka iyo shacabka Mareykanka,” ayuu hoosta ka xaqiiray isaga oo waraysi siinayay warbaahinta ku hadasha afrka Maraykanka ee VOA-da.
Jeneral Townsend ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in halista Al-Shabaab ay sii korortay sideeddii illaa 12-kii bilood ee ugu dambeeyey, ayna ugu wacan tahay ciidankii Mareykanka ee ka baxay Soomaaliya iyo cudurka COVID-19.
“Waxaan u maleynayaa in halistaas ay sii kordheyso sababo la xiriira cadaadiskii ka hortagga argagixisanimo oo aan jirin sanadkii tegay, iyo firfircooni la’aanta ciidamada Amisom. Sabab kalena waa COVID-19,” ayuu yiri Townsend.
Wuxuu ku daray: "Hoggaankooda waxay dagaal-yahanooda culeys ku saaraan in ay dadka Mareykanka ku weeraraan meel kasta oo ay ku arkaan, marka waa inaan taas si dhab ah u qaadanaa".
Jeneral Townsend ayaa sidoo kale sheegay in khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya, loolanka doorashada iyo shaqada liidata ee dowladda federaalka ay sidoo kale caawisay Al-Shabaab.
“Waxaan ka walaacsanahay inuu jiri doono weerar weyn oo Al-Shabaab ay fuliso. Waxaan hada aragnaa weeraro is-miidaamin ah oo Muqdisho ka dhacayey labadii toddobaad ee tegay. Marka waxaan dareemayaa inay sii ballaaranayaan oo ay sii korayaan,” ayuu yiri taliyaha AFRICOM.
Hadalka Townsend ee la xiriira in Al-Shabaab ay hadda tahay kooxda ugu taajirsan kooxaha ku xiran Al-Qacida ayaan la-yaab laheyn marka loo eego heerka uu la egyahay dhaqaalaha kasoo gala Soomaaliya, Qyaas ay sameysay dowladda Mareykanka, oo uu helay wargeyska New York Times bishii October 2021, ayaa muujineyso in dakhliga Al-Shabaab usoo xarooday sanadkii 2020 uu yahay 120 milyan oo dollar.
Al-Shabaab ayaa Soomaaliya ka sameysay dowlad dadban oo dhinac socota tan federaalka, taasi oo soo xareysay lacagtan oo badankeed ka timaada canshuurta iyo lacagaha kale ee laga qaado shacabka. Canshuurta xooggeeda ayaa Al-Shabaab uga soo xaroota dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada shacabka.
Dakhligan ayaa ka dhigan awoodda Al-Shabaab ay maanta taagan tahay halkii ugu xooganeyd, sida warbixinta New York Times ay tiri.
Dakhliga ay Al-Shabaab kasoo xareyso lacagta ay ka qaado dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada kale ee gaaraya $120 milyan ayaa ka dhigan inay aad ugu dhowdahay midka dowladda federaalka.
Miisaaniyadda 2021 ee dowladda federaalka, oo ay Garowe Online ku noqotay kadib warbixintan, ayaa waxaa ku qoran in dakhliga gudaha ee dowladda federaalka ee 2020 uu ahaa $269 milyan, oo $182 milyan oo ka mid ah ay aheyd canshuurta gudaha.
GAROWE ONLINE