AFRICOM oo $125 milyan u dalbatay isku-fidinta Soomaaliya

Image
Ciidamadda Mareykanka ka jooga Soomaaliya ayaa tiradooda waxaa lagu qiyaasaa 500 askari.

WASHINGTON, USA - Howlgalka Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa waxa uu dalbadey dhaqaale dheeraad ah si ay ugu maalgeliyaan "joogitaan dheeraad ah oo ay ku leenayaan Soomaaliya," sidda ay warisay majaladda Defense News.

Defense News oo soo xiganaysa dukumiintiyo u gacan-galay bishii March, 2023 ayaa intaas ku dartey in dalabkaas uu si toos ah uga yimid taliyaha howlgalka AFRICOM, General Michael Langley.

Warbixinta oo intaas ku daraysa in codsigan loo gudbiyey Congress-ka ayaa lacagta ay AFRICOM codsatay waxaa lagu sheegay aduun lacageed gaareysa 152 milyan oo doolar-ka Mareykanka ah.

Sidda laga soo xigtey warbixinta, lacagtan ayaa waxaa lagu bixinataa qiimeyn la sameyn doono saddex bilood ah mar isla markaana ay ku saabsan tahay heerarka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya.

"Lacagtaas waxaa ku jira $42 milyan oo loogu talagalay hagaajinta garoon diyaaradeed, $43 milyan oo loogu talagalay hagaajinta aagga taageerada nolosha iyo $11 milyan oo hagaajinta isgaarsiinta," ayay warbixinta intaas kusii dartey.

Langley ayaa, sidda ku xusan qormadda lagu daabacay Defense News, waxa uu ku andacoodey in lacagtan ay kaalin weyn ka qaadan doonto in si weyn hoos loogu dhigo khatarta ka imaanaysa xoogaga Al-Shabaab.

"Maalgelinta ayaa loo baahan yahay si loo dhiso joogitaan joogto ah oo Soomaali ah, si loo sii xaqiijiyo gelitaanka istaraatiijiga ah, xaddidaadda ururada rabshadaha wata ee xagjirka ah, khadadka isgaarsiinta badda ee sugan iyo in la xaddido ballaarinta milatariga tartanka," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray: "Sida saxda ah, dagida Soomaaliya waxay u adeegi doontaa hoos u dhigista khatarta sii kordheysa ee Al Shabaab, xaqiijinta xorriyadda socdaalka marin biyoodka Bab Al Mandab iyo la socoshada sii ballaarinta joogitaanka Shiinaha ee Jabuuti".

Warkan haatan soo shaac-baxay ayaa waxa uu kusoo hagagayaa xilli dhowaan Aqalka Hoose ee Mareykanka uu hoos-u-dhigay qaraar ku baaqayay in askarta Ameerikaanka ah laga saaro Soomaaliya.

Ciidamadda Mareykanka ka jooga Soomaaliya ayaa tiradooda waxaa lagu qiyaasaa 500 askari kuwaasoo isugu jira tabareyaal, askar kumaandoos ah iyo ilaaladda safaaradda. Balse, warar aan sugneyn ayaa waxay gaarsiinayaa illaa 900 askari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Mushahaarka u kordhiyay Ciidamada Somaliland

Madaxweyne Irro ayaa sidoo kale ballanqaaday in la hagaajin doono xirfadaha iyo awoodda ciidamada Somaliland.

  • Soomaliya

    23-01-2025

  • 09:36AM

Madaxweynaha Soomaaliya Masar tagey kadib heshiiskii Itoobiya

Booqashadan ayaa timid xilli Soomaaliya iyo Itoobiya ay xalliyeen xiisadihii u dhexeeyay, kadib heshiiskii Ankara ee 11-kii December.

  • Soomaliya

    23-01-2025

  • 06:17AM