Agaasimaha Nabad Sugida dowlada Federaalka oo la eryey

Image

Axad, sept 07,2014 [GO]- Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa xil ka qaadis ku sameeyay agaasimihii guud ee hay’ada Nabad Sugida dowlada Federaalka Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe kaasi oo dhowaan la magacaabay.

Mid ka mid ah howlwadeenada xafiiska Ra’iisul  wasaaraha ayaa Garowe Online u sheegay in qaab gacan taag ah golaha Wasiirada xilka kaga qaadeen mas'uulkaan ugu sareeyay hay’ada sirdoonka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in xilkaaqdistaan ka dambeysay kadib markii siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Hawiye ka dacwoodeen mas'uulkaan.

Dhoowaan ayey aheyd markii ciidamada Nabad Sugida hubka ka urruriyeen qaar ka tirsan dagaal ogoyaashii Muqdishu taasoo muran xoogan ka dhalisay beelaha Hawiye dhexdooda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishii July u magacaabay Sanbaloolshe Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida Qaranka kadib markii xilkaas laga qaaday Agaasimihii hore Bashiir Goobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

STC oo Ballaarisay Gacanta ay ku Hayso Koonfurta Yemen

Toddobaadkii la soo dhaafay, STC waxay billowday hawlgal milatari ay ugu….

  • Soomaliya

    12-12-2025

  • 09:07AM

Soomaaliya oo la sheegay in la dhex-marsiiyo hub loo gudbiyo Xuutiyiinta Yemen

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib shir heer sare ah oo Qaahira ku dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

  • Soomaliya

    11-12-2025

  • 01:50PM