Agaasime wasaaradeed oo lagu dilay agagaarka Villa Somalia

Image
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe aad u sii xumaaday

MUQDISHO, Soomaaliya – Safiyo Abuukar Karaani, oo aheyd agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya xalay fiidkii lagu dilay magaaladda Muqdisho sida ay sheegeen xubno ka tirsan qoyskeeda iyo saraakiish wasaaradda.

Koox bistoolado ku hubeysan ayaa Marxuumada ku dishay wadada Maka Al-mukarama, gaar ahaan banaanka hore ee kaalinta shidaalka ee Haas oo dhowr tallaabo u jirta koontoroolka laga ilaaliyo Villa Somalia ee u dhow taalada Sayidka.

Geerida Safiyo Karaani ayaa caawa aad looga dareemay baraha bulshada oo tacsideedu ay is qabsatay, waxaana xusid mudan in dhowr sano ka hor sidaan oo kale Muqdisho loogu dilay Seygeedii Muxudiin Maxamed oo mar soo noqday wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Waxaa goobta ka baxsatay dableydii dishay Maamo Safiyo Karaani, waxay dad badan walaac ka muujiyeen inta ay ciidanka ilaalada Madaxtooyada u jiraan goobta uu dilkaasi ka dhacay.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe aad u sii xumaaday, waxaana dadka la soo deristay cabsi xoog leh, sidoo kale waxaa xusid mudan in suuqa ugu weyn caasimadda ee Bakaaro uu shalay xirmay, kadib markii ay canshuur badan ku soo rogtay Kooxda Daacish.

Dhacdooyinkaan ayaa imaanaya xili dalka uu ka jiro khilaaf iyo loolan awoodeed oo kusoo biyo shubanayo doorashadda iyada oo caasimadaha dowlad-goboleedyada dalka laga soo wariyay in ay tahay codayntii ugu musuq maasuqa badneed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Natiijo horey loo saadaalinayay oo kasoo baxday doorashadii Galmudug

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah ururrada siyaasadda ayaa horey u muujiyay walaac ku saabsan hannaanka doorashada.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 07:25PM

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Dib u Celiyay Baasaboorka Kenya

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Jibriil bishii Juun laga celiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Nairobi.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 02:08PM