Agaasime wasaaradeed oo lagu dilay agagaarka Villa Somalia

Image
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe aad u sii xumaaday

MUQDISHO, Soomaaliya – Safiyo Abuukar Karaani, oo aheyd agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya xalay fiidkii lagu dilay magaaladda Muqdisho sida ay sheegeen xubno ka tirsan qoyskeeda iyo saraakiish wasaaradda.

Koox bistoolado ku hubeysan ayaa Marxuumada ku dishay wadada Maka Al-mukarama, gaar ahaan banaanka hore ee kaalinta shidaalka ee Haas oo dhowr tallaabo u jirta koontoroolka laga ilaaliyo Villa Somalia ee u dhow taalada Sayidka.

Geerida Safiyo Karaani ayaa caawa aad looga dareemay baraha bulshada oo tacsideedu ay is qabsatay, waxaana xusid mudan in dhowr sano ka hor sidaan oo kale Muqdisho loogu dilay Seygeedii Muxudiin Maxamed oo mar soo noqday wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Waxaa goobta ka baxsatay dableydii dishay Maamo Safiyo Karaani, waxay dad badan walaac ka muujiyeen inta ay ciidanka ilaalada Madaxtooyada u jiraan goobta uu dilkaasi ka dhacay.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe aad u sii xumaaday, waxaana dadka la soo deristay cabsi xoog leh, sidoo kale waxaa xusid mudan in suuqa ugu weyn caasimadda ee Bakaaro uu shalay xirmay, kadib markii ay canshuur badan ku soo rogtay Kooxda Daacish.

Dhacdooyinkaan ayaa imaanaya xili dalka uu ka jiro khilaaf iyo loolan awoodeed oo kusoo biyo shubanayo doorashadda iyada oo caasimadaha dowlad-goboleedyada dalka laga soo wariyay in ay tahay codayntii ugu musuq maasuqa badneed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM