Ahlu Sunna oo u digtay DF Soomaaliya kuna eedeysay "faquuq siyaasadeed"

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Ahlu Sunna Waljameeca oo qoraal soo saartay ayaa mar kale ku celisay in Dowladda federaalka Soomaaliya "ay afduubatay" dhamaan nidaamka doorashooyinka Galmudug.

Bayaanka ayaa kasoo baxay xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, madaxa xukuumada dowlad goboleedkaas.

Ururka oo xukuumadda ku dhaliilay "in ay uga baxday" heshiisyo iyo balamo ay wada galeen ayaa sheegay in hogaankiisa uu maamulka madaxweyne Farmaajo kala kumayo "faquuq siyaasadeed".

Iyagoo cuskanaya go'aanka murashaxiinta ku sheegeen in aysan kaga qeybgaleen doorashada, Ahlu Sunna waxay xustay in masiirka Galmudug uu mugdi ku jiro lana heli karin "maamulkii la sugayey".

Dowladda Federaalka oo ay ku dhaleeceeyeen "maroorsiga habka coddeynta" ayay tibaaxeen in ay dooneyso in murashaxiinta mucaaradka ee jagada madaxtinimada ay tartanka ka noqdaan "malxiis".

"DFS waa in ay tixgelisaa talada wax-garadka Galmudug iyo saamileyda siyaasadeed, taladaas oo ah soojeedinta sidii wax u hagaagi lahaayeen, Galmudug mid ahna loo dhisi lahaa," ayuu raaciyey.

Ugu dambeyntii, Sheekh Shaakir ayaa warqada ku sheegay in hadii Villa Soomaaliya u hogaan-sami weyda xalinta arrimaha haatan jirta ay "doorasho loo dhan yahay" ku qaban doonan Dhuusamareeb.

Qoraalka Shaakir

Image may contain: text

GAROE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM