Ajaaniib maxkamad loosoo taagay jariifka kalluunka Soomaaliya

Image
Xeer-Ilaaliyaha Guud ee dowladda federaalka ah ayaa ku dhawaaqay xariga eedeysaneyaasha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku dhawaaqay in uu dacwad ku soo oogay 36 eedeysane oo ajaanib ah oo ay Ciidanka Badda kusoo qabteen kalluumeysi sharci darro ah.

"Ciidanku waxa ay ku soo gabteen labo doomood oo ugu yaraan saaran yahay kalluun qiyaas ahaan dhan 30 tan waxay xabsi u dirtay dhamaan dadkii lagu soo qabtay kalluumaysiga sharci daradda, waxayna la wareegtay kalluunkii saarnaa doomaha," ayay xeer-ilaalinta ku tiri qoraal ay soo saartey.

Kadib codsi ka yimid Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa waxay xabsiga dhigtay dhammaan eedaysanayaasha, waxayna la wareegtay kalluunka doomaha.

"Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud waxaa u bogaadinayaa cidanka badda Soomaaliyeed oo howl adag u galay difaacidda khayraadka badda Soomaaliyeed, waxaana uu kusii dhiira-galinayaa xoojinta ka hortagga kalluumaysiga sharci daradda," ayaa la raaciyey bayaanka.

Ganacsatadda waddaniga ayuu uga digay "in ay xiriir la yeeshaan shirkaddaha iyo dadka ajaaniibta ah ee caadaystay ku xadgudubka khayraadka badda Soomaaliyeed".

"Ugu danbayn, Xafiiska Xeer-llaaliyaha Guud waxaa ka go'an horgaynta sharciga qof kasta oo lagu soo gabto kalluumaysi baalmarsan sharciga, waxaana uu uga digayaa ganacsatada iyo dhamaan dadka Soomaaliyeed in ay xiriir la yeeshaan shirkaddaha iyo dadka ajaaniibta ah ee caadaystay ku xadgudubka khayraadka badda Soomaaliyeed," ayaa lagu soo xiray bayaanka.

Bishii la soo dhaafay, Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Soomaaliya ayaa sheegtay in dhowr markab oo ajaanib ah lagu helay in ay kalluumeysi sharci darro ah ka sameeyeen Xeebaha Soomaaliya.

Maraakiibtan ayaa la sheegay inay ka hawlgalayeen Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah ee Soomaaliya (EEZ) tan iyo bishii Janaayo 2023 ayna halis geliyeen shuruucda kalluumeysiga, tirada kalluunka iyo degaanka badda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM