Ajendaha kulanka soo socda ee Golaha Shacabka oo laga doodey

Image
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa gudoomiyey shirkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga joogtada ee golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa sideedaad ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn, guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka ayaa guddiga joogtada ah warbixin ka siiyay howlaha golaha shacabka gaar ahaan shaqooyinkii ugu dambeeyay ee qabsoomay, howlaha baaxada leh ee golaha horyaala iyo sido ay muhiim u tahay in goluhu dardargeliyo waajibaadka qaran ee ay Shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan.

Intaasi ka dib xubnaha guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ayaa ka dooday ajendayasha golaha ee todobaadka soo socda iyo ay sida horutebinta u kala leeyihiin, waxa ay ugu dameyn isku raaceen in la xoojiyo shaqada golaha shacabka si uu goluhu uga howlgalo ka shaqeynta shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee Dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM