Al-Shabaab oo "bilowday in ay dhaqaale ku taageerto Boko Haram"

Image
Sidda ay sheegayaan warbixinadda, lacagtan ayaa ah "baadda" ay ka uruuriyaan gudaha Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa bilaabay in dhaqaalaha ay ka sameeyaan Soomaaliya in ay "ku huriyaan colaada dalal kale sidda Nigeria," sidda uu shaaca ka dhigay sarkaal sarre.

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA, Ismaaciil Daahir Cusmaan oo u waramay Garowe Online Twitter Space u sheegay, in "argagixisadda aysan wax asxaana h u sameynin dalka iyo dadka Soomaaliyeed".

Sida laga soo xigtey Cusmaan, qof kasta oo Soomaali ah "waxaa waajib ku ah in uu taageero kacdoonka ka bilowday guud ahaan dalka ee lagu soo afjarayo haraadiga kooxdan nabad-diidka ah".

Cusmaan ayaa kalsooni fiican wuxuu ka muujiyey in "halgankan ku bilowday sida iskiis ah" uu horseedi doono in muddo hal sano gudaheeda ah lagu soo gabagabeeyo guud ahaan jiritaanka "argagixisadda".

"Kooxda Al-Shabaab wax asxaan ah oo ay u sameeyeen ma jirto dalka iyo dadka Soomaaliyeed, Lacagta badda ah oo ay ka qaadaan shacabka Soomaaliyeed waxay u diraan kooxaha argagixisada sida Boko Xaraam," ayuu xusay.

Sida ay warisay warbaahinta dowladda, in ka badan 30 degaano oo ay ku jiraan degmooyin waaweyn ayaa Al-Shabaab looga xoreeyo howlgaladan waxaana looga dilay in ka badan 200 dagaalameyaal.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyey telefishinka CNN ee fadhigiisu yahay dalka Mareykanka ayaa ku nuux-nuux-sadey in maamulkiisa uu halka sano soo aadan kusoo afjari doono Al-Shabaab.

Balanqaad kan lamid ah waxaa horey u sameeyay madaxwayne Farmaajo kaasoo ku guuldareystay shan sano uu xafiiska joogay in uu guul la taaban karo kasoo hooyo ololaha lagu dabar-goynayo argagixisadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM