Al-Shabaab oo dib looga qabsadey degmadda Balcad

Image
Ugu yaraan 4 ka trsan ciidamada dawladda ayaa ku dhintay weerarkaas

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka ka imanaya magaalada Balcad ee gobolka Shabelelada Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dawladda ay ka saareen magaalada maleeshiyada ururka Al-Shabaab oo halkaasi soo galay saacadihii hore ee saaka.

Xogta ay idaacadda VOA ka heshay dadka degaanka ayaa sheegaysa in dagaal uu ka dhacay bartamaha magaalada gaar ahaan agagaarka xarunta degmada iyo bar kontorool.

Ciidamada dawladda ayaa dadka degaanku noo sheegeen inay weerar rogaal celis ah oo ay qaadeen ay magaalada kaga saareen maleeshiyada Al-Shabaab.

Ugu yaraan 4 ka trsan ciidamada dawladda ayaa ku dhintay weerarkaas sida ay idaacadda VOA u sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale tebisay in weerarkaas lagu dilay 9 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

GO + VOA

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM