Al-Shabaab oo toogatay rag ay ku eedeysay "jaajuusnimo"

Image
Shanta nin ee lagu fuliyay dilka toogasho ah ayaa waxay da’dooddu u dhaxaysay 28 illaa 52 sano jir.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa Jimcaha maanta ah waxay shaaca ka dhigtey in ay xukun dil ah ku fulisay shan qof oo kale oo ay ku eedeysay in ay ahaayeen "jawaasiis".

Sidda ay ku warantey warbaahinta ku hadasha afka kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacida, xukunka dilka ah ayaa ka dhacay degaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, 15-kii bishan June.

Shanta nin ee lagu fuliyay dilka toogasho ah ayaa da’doodu u dhaxaysay 28-52 sano jir. Goobta lagu fuliyey xukunka ayaa ahayd fagaare ay joogaan dad badan, sidda ku xusan warbixinta.

Al-Shabaab oo aan soo bandhigin wax caddeymo ah cadeymo ayaa sheegtay in raggaasi ay "qirteen" in ay “basaasiin u ahaayeen" dowlada federaalka ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Horaantii isla bishan ayay ahayd markii Al-Shabaab ay toogatay rag kale kuwaas oo ay ku eedeysay in ay "basaasiin u ahaayeen dowladaha Soomaaliya, Itoobiya, Ingiriiska iyo Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM