Al-Shabaab oo toogatay rag ay ku eedeysay "jaajuusnimo"

Image
Shanta nin ee lagu fuliyay dilka toogasho ah ayaa waxay da’dooddu u dhaxaysay 28 illaa 52 sano jir.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa Jimcaha maanta ah waxay shaaca ka dhigtey in ay xukun dil ah ku fulisay shan qof oo kale oo ay ku eedeysay in ay ahaayeen "jawaasiis".

Sidda ay ku warantey warbaahinta ku hadasha afka kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacida, xukunka dilka ah ayaa ka dhacay degaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, 15-kii bishan June.

Shanta nin ee lagu fuliyay dilka toogasho ah ayaa da’doodu u dhaxaysay 28-52 sano jir. Goobta lagu fuliyey xukunka ayaa ahayd fagaare ay joogaan dad badan, sidda ku xusan warbixinta.

Al-Shabaab oo aan soo bandhigin wax caddeymo ah cadeymo ayaa sheegtay in raggaasi ay "qirteen" in ay “basaasiin u ahaayeen" dowlada federaalka ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Horaantii isla bishan ayay ahayd markii Al-Shabaab ay toogatay rag kale kuwaas oo ay ku eedeysay in ay "basaasiin u ahaayeen dowladaha Soomaaliya, Itoobiya, Ingiriiska iyo Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM