Al-Shabaab oo fal argagagax leh ka geysatay gobolka Gedo

Image
Dhacdooyinka AlShabaab ay dadka badan ku laysay ayaa dhowaan gobolka Hiiraan ka dhaliyay kacdoon shacab.

KISMAAYO, Jubaland - Al-Shabaab ayaa geystay fal argagax leh oo ay mar kaliya ku dishay 12 qof shaqaale ah oo ceel ka qodayay ka geysatay deegaan ka tirsan Gedo. 

Dhacdadan ayaa ka dhacday degaanka Geriley ee gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Ceelwaaq, una dhow xudduuda waddanka Kenya. 

Wararka ayaa sheegaya Al-Shabaab ay gubeen qalabkii ceelka lagu qodayay oo ahaa makiinado culus oo qaali ah, islamarkaasna laayeen shaqaalihii oo mid ka mid ah uu la dhashay xildhibaan hore, sidda masuulkani uu kusoo qorey bartiisa FB. 

Dadka ayay Al-Shabaab inta badan gubeen meydadkooda, sida ay sheegeen dadka deegaanka. 

Inta badan Alshabaab ayaanan ogoleen in ceel la qodo ama shaqo laga qabto meel iyada aanan iyaga ogolaansho laga haysanin, islamarkaasna aanan la siinin canshuur. 

Ceelal kale oo laga qodayay goobo ka tirsan Jubbaland ayaa ku suurtogalay ogolaanshahooda, halka kuwa kale la joojiyay maadaamaa ay iyaga diideen sababo la xiriira beelo isku qabtay lahaanshiyaha dhulka oo kadibna Alshabaab u dacwooday. 

Dhacdooyinka AlShabaab ay dadka badan ku laysay ayaa dhowaan gobolka Hiiraan ka dhaliyay kacdoon shacab oo illaa hadda socda, lamana oga dilkan waxa ka dhalan doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM