Al-Shabaab oo fal argagagax leh ka geysatay gobolka Gedo

Image
Dhacdooyinka AlShabaab ay dadka badan ku laysay ayaa dhowaan gobolka Hiiraan ka dhaliyay kacdoon shacab.

KISMAAYO, Jubaland - Al-Shabaab ayaa geystay fal argagax leh oo ay mar kaliya ku dishay 12 qof shaqaale ah oo ceel ka qodayay ka geysatay deegaan ka tirsan Gedo. 

Dhacdadan ayaa ka dhacday degaanka Geriley ee gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Ceelwaaq, una dhow xudduuda waddanka Kenya. 

Wararka ayaa sheegaya Al-Shabaab ay gubeen qalabkii ceelka lagu qodayay oo ahaa makiinado culus oo qaali ah, islamarkaasna laayeen shaqaalihii oo mid ka mid ah uu la dhashay xildhibaan hore, sidda masuulkani uu kusoo qorey bartiisa FB. 

Dadka ayay Al-Shabaab inta badan gubeen meydadkooda, sida ay sheegeen dadka deegaanka. 

Inta badan Alshabaab ayaanan ogoleen in ceel la qodo ama shaqo laga qabto meel iyada aanan iyaga ogolaansho laga haysanin, islamarkaasna aanan la siinin canshuur. 

Ceelal kale oo laga qodayay goobo ka tirsan Jubbaland ayaa ku suurtogalay ogolaanshahooda, halka kuwa kale la joojiyay maadaamaa ay iyaga diideen sababo la xiriira beelo isku qabtay lahaanshiyaha dhulka oo kadibna Alshabaab u dacwooday. 

Dhacdooyinka AlShabaab ay dadka badan ku laysay ayaa dhowaan gobolka Hiiraan ka dhaliyay kacdoon shacab oo illaa hadda socda, lamana oga dilkan waxa ka dhalan doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM