Al-Shabaab oo fasaxdey gaadiid ay u diidey in ay galaan Baydhabo

Image
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa beeniyay in talaabadan ay ku timid wadahadal uu la galay kooxda hubeysan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ururka Al-Shabaab ayaa fasaxay qaar kamid ah gaadiidkii ay u diidayeen in ay galaan magaalada Baydhabo, sidda ay sheegtay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa maamulka Koonfur Galbeed.

Afhayeen u hadlay Koonfur Galbeed oo hadalkiisa lagu baahiyey baraha internet-ka ayaa waxa uu beeniyay in maamulka uu wada xaajood ka galay sii deynta baabuurtaasi.

Balse warar ay heshay warbaahinta gudaha ayaa sheegaya in odayaasha deegaanka ay door ku lahaayeen sii deynta isla markaana ay wadahadalo la fureen xoogaga hubeysan.

Sarkaal ayaa tibaaxay in la qorsheynayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo lagu bartilmaameedsado deegaanka Mooda-Moode, oo ah goob la sheegay in Al-Shabaab ay isbaaro u dhigtay gaadiidka xamuulka ah.

Ma cadda in sii daynta ay khusayso baabuurta waaweyn ee la haysto in ka badan toddobaad keliya iyo in ay tahay in gabi ahaanba la qaadey xayiraadda saarneyd xarunta gobolka Baay.

Sidoo kale ma cadda in gaadiidka xamuulka ah ee loo qorsheeyay in ay ka ambabaxaan magaalada Muqdisho, kuna sii jeedaan Baydhabo uuna sii socon doono safarkaasi.

Go’doominta ayaa sare u kacday qiimaha la kala siisto raashiinka, shidaalka iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah magaalada Baydhabo taas oo sababtey barakac.

Go’doomintan ayaa ahayd mid ay Al-Shabaab kaga aargudayeen Koonfur Galbeed kadib markii saraakiisha deegaanka ay xabsiga dhigeen maamulayaal dugsi oo u socdaalay deegaanada Al-Shabaab si ay ula kulmaan kooxda.

Maamulka ayaa balan qaaday in maxkamad la soo taagi doono maamulayaasha. Madaxwayne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen waxa uu wacad ku maray in uu taliskiisa beegsan doono cid kasta oo la macaamisha maleyshiyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM