Al-Shabaab oo go’doon ganacsi gelisay magaalada Baydhabo

Image
Xayiraadan ayaa waxaa ka dhashay kor-u-kac ku yimid qiimaha cuntooyinka muhiimka ah.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay go’doon geliyeen caasimada ku meelgaarka maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

Illo dhanka amniga ah ayaa sheegaya in kooxda ay xirtey jidadka gala xarunta gobolka Baay taas oo xayirtey gaadiidka wada raashiin iyo dad.

Xayiraadan ayaa waxaa ka dhashay kor-u-kac ku yimid qiimaha cuntooyinka muhiimka ah taas oo laga cabsi qabo in ay isku rogto sicir-barar.

Qof kamid ah dadka degaanka ayaa u sheegay Garowe Online in qiimaha kiilada bariiska uu marayo labo doolar ilaa 35 kun shilin Soomaali ah.

"Go'doominta ay Al-Shabaab kusoo rogtey Baydhabo waxa uu soo degdegay markii maamulka Koonfur Galbeed uu is-hortaagay macalimiin ay u yeertey kooxda," ayuu raaciyey hadalkiisa.

Sicir-bararkan ayaa si gaar ah waxa uu u saameeyay dan yarta. Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo maamulka Koonfur Galbeed uu kasoo saartey xayiraadan.

Baydhabo ayaa waxa ay u hoy u tahay boqolaal shacab ah kuwaas oo horey uga soo barakacay degaanada kale ee ay go’doomisay Al-Shabaab.

Maamulka Cabdicasiis Laftagareen ayaa waxaa la sheegay inuu si weyn uga gaabiyey xoreynta degaanada Koonfur Galbeed ee wali baaqiga ku ah gacanta kooxda hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM