Al-Shabaab oo ku dhowaad 50 xubnood looga dilay afar duqeyn

Image
Howlgaladan dhinaca cirka ah ayaa waxaa fuliyey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.

WASHINGTON, United States - Milatariga Mareykanka ayaa Axadii todobaadkan waxa uu sheegay in 12 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay duqeyn cusub oo ka dhacday bartamaha Soomaaliya.

Duqeynta ayaa ka dhacday meel fog oo qiyaastii 45 kiiloomitir (28 mayl) koonfur-galbeed ka xigta magaalada dekedda ah ee Badweynta Hindiya ee Hobyo, oo qiyaastii 472 kilomitir (293 mayl) waqooyi-bari kaga beegan Muqdisho.

Waa howlgalkii afraad ee "is-difaaca wadajirka ah" ee militariga Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya sanadkan cusub ee 2024-ka, sidda laga soo xigtey war-saxaafadeedka AFRICOM.

Saddexdii duqeyn ee hore ayaa kala dhacay 20-kii Jannaayo meel u dhow magaalada Galcad, waxaana lagu dilay ku dhawaad ​​30 ka tirsan Al-Shabaab, 23-kii January meel u dhow degmada Xarardheere, laguna dilay laba maleeshiyo; iyo Jan 25 ka dhacay agagaarka Xarardheere oo ay ku dileen afar maleeshiyo.

Wadar ahaan, afartan howlgal ayaa waxaa Al-Shabaab looga dilay 48 xubnood. Illaa waqti xaadirkan, lama soo warin waxyeelo dad shacab ah kasoo gaarey weerarada dhanka cirka ah.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa 26-kii bishii Janaayo ee sanadkan ku dilay howlgal Bilaal Al-Sudani, oo ahaa taliyihii ugu muhiimsanaa Daacish ee Soomaaliya ee ku sugnaa buuraha Cal-Miskaad ee maamul goboleedka Puntland.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dhaq dhaqaaqyo ciidan oo lagu doonayo in looga soo saaro deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.  Mareykanka iyo Turkiga ayaa taageero dhanka cirka ah siiya ciidamada.

Labada dowladood ayaa sidoo kale waxay tababaro siiyaan ciidamo Soomaaliyeed oo magac leh oo safka hore kaga jira howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM