Al-Shabaab oo laga saaray bugcaddii ugu dambeysay ee Hiiraan

Image
Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Jeneraal Caanood ayaa sheegay in Alshabaab laga qabsaday afar tuulo cusub.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib seddex bilood iyo dheeraad oo ay socdeen hawlgalada ka dhanka ah Alshabaab ee ay Iska kaashanayaan shacabka iyo dowladda, ayay u muuqataa in haatan la gaaray guul la taaban karo.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Jeneraal Caanood ayaa sheegay in Alshabaab laga qabsaday afar tuulo cusub oo ay ka mid tahay tuulada Mabaax oo ah tii ugu dambeysay ee Bariga Hiiraan ay ka haysteen Al-Shabaab.

Marka laga tago deegaanada Al-Shabaab lga qabsaday, dowladda waxa ay si joogto ah u sheegtaa tirakoobyo ku saabsan dagaalamayaasha laga diley Alshabaab, kuwaas oo Aysan jirin cid madax banaan oo caddaysa maadaamaa la xakameeyay galaangalka saxaafadda madaxa bannaan ee goobaha dagaalada, iyo tabinta wararka hawlgalada ku saabsanba.

Raisulwasaaraha federaalka Xamse Cabdi Bare ayaa dhowaan sheegay in Alshabaab ay ka dileen 600 dagaalamayaan, kana dhaawaceen kun iyo dhawr boqol sedexdii bil ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Xasan ayaa isna sheegay in Alshabaab laga qabsaday 13 degmo iyo 50 tuulo wax ka badan.

Isaga oo ka hadlayay hawlgalka dabo dheeraaday ayuu afhayeenka ciidanka xoogga sheegay in ay ugu wacantahay nooca hawlgalka oo ah mid dhib badan, iyo baaxadda dhulka laga saarayo Alshabaab oo balaaran, isaga oo shacabka ka codsaday in ay dulqaataan.

Haatan waxa indhaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u weecanayaan dhanka Galgaduud iyo Mudug, halkaas oo aanan horumar badan laga samaynin, welina ciidamada dowladda ay ku jiraan difaaca dhulkii horey loo haystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM