Al-Shabaab oo mar kale "laga burburiyey maxkamad beenaad"

Image
Milatariga Soomaaliya ayaa sarre u qaadey howlgalada ay ku beegsanayaan garsoorka argagixisada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorshaysan ku galay deegaano dhowr ah oo ku yaala dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Gandarshe ilaa iyo Number-50.

Sidda ay ku warantey warbaahinta dowladda, maleyshiyadda ayaa aaggaas waxay ku lahayd Maxkamad Beenaad ay ugu yaaraan shacabka "si ay ugu dhacaan hantidoodana ay xoog uga qaataan".

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in ciidanka ay "bubruriyeen fariisimihii ay Al-Shabaabku ku lahaayeen deegaanada ku yaala dhulka Howdka ah ee kala ah Maracadde, Ceelsaliini, Qodqodka iyo deegaano kale".

“Howlgalkaan wuxuu ahaa mid la qorsheeyay ka dib markii la ogaaday in Argagixisadu ay samaysteen baro ay isku qariyaan oo ku yaala dhulka aanan la daganayn ee dhirtu ku badantahay," ayuu yiri sarkaal ciidan.

Wakaalada wararka oo soo xigatay sarkaalkan aan la shaacin magaciisa ayaa wuxuu intaas ku daray: "Goobtaas waxay argagixisada ugu yeeraan dadka ay rabaan inay lacaga ka qaataan".

"Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ciidamada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo is kaashanaya ay la wareegeen in ka badan 20-deegaan oo Argagixisadu ay horay u joogeen," ayay raacisay SONNA.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadan oo illaa haatan kasoo baxay dhanka xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida kuwaasoo aan looga baran beenin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Axmed Madoobe oo Kismaayo dib ugu laabtay

Markii uu tagey Nairobi, waxaa soo baxayay warar ku saabsan inuusan Axmed Madoobe dalka kusoo laaban karin, iyadoo hadda soo laabtay.

  • Soomaliya

    02-02-2025

  • 12:58PM

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM