Al-Shabaab oo mar kale qaraxyo ku weerartey degaanka Qaayib

Image
Dowladda federaalka ayaa shaaca ka dhigtey in ciidanka ay "iska caabiyeen duulaanka argagixisada". [Sawirka waa Buulo Madiino]

MUQDISHO, Soomaaliya - Maleyshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa lagu waramay in weerar ku bilowday saddex qarax ay ku ekeeyeen degaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug.

Iska-hor-imaad saacado kooban socdey ayaa lasoo wariyey in uu aaggaas ka dhacay. Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ay iska caabiyeen duulaanka ayna dileen "Khawaariij badan".

Wakaalada wararka qaranka ee SONNA ayaa warisay in ciidamadda ay "burburiyeen" saddex qarax gaari "kuwaasoo ay duulaanka ku bilaabeen kooxda argagixisadda ah".

Wasaaradda warfaafinta oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa warisay in ciidanka ay haatan si buuxda gacanta ugu haayaan degaanka ayna sugayaan nabad-gelyadda iyo kala dambeynta.

"Dowladda Soomaaliya oo kaa shanaysa shacabkeeda ayaa waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta Al-Shabaab si loo helo gayiga Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah," ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhanka kale, wasaaradda ayaa isla bayaankan waxay ku shaacisay in howlgal cusub oo xalay ka dhacay degaanka Buulo Madiino ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku naf-waayeen 15 kamid ah Al-Shabaab.

"Xubnahaan Khawaarijta ee la laayay oo si gaar ah uu ugu daba jiray Sirdoonka Soomaaliya ayaa ahaa firxadkii ka bad baaday howlgal 23-kii bishaan laga fuliyay deegaankaan kaas oo lagu dilay 49 dhagar qabe," ayay raacisay.

Ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashooyinka dowladda federaalka. Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka xoogaga hubeysan ee gacan-saarka la leh shabakadda Al-Qaacidda.

Dhowr jeer ayay sidaan oo kale Al-Shabaab u weerartey degaanka Qaayib. Balse, ciidamada dowladda ayaa sheeganayay in ay iska difaaceen. Degaankan wuxuu kamid ah meelaha askarta la wareegeen dhowaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM