Al-Shabaab oo qiratay in ay "20 qof" ku laysay Hiiraan

Image
Image
Shan kamid ah dadkan ayaa ku nafwaayay miino la kacdey gaari ay saarnaayeen aroornimadii maanta.

BELEDWAYNE, HirShabelle - In ka badan 20 qof oo rayid ah oo ka soo ambabaxay magaalada Beledweyne kuna sii jeeday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa la rumeysan yahay in Al-Shabaab ay dileen subaxnimadii hore ee saaka.

Saddex ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay la socdeen maleeshiyaatka Macawiisley una socdeen in ay u gurmadan dadkan ayaa lala eegtay miinooyin dhulka lagu aaso , waxaana laga yaabaa in khasaaruhu intaa ka badan karo.

Shan qof ayaa ku dhimatay gaariga miinada lala eegtey oo ka dhacay Afar Irdood. Dadku waxay ahaayeen gurmadayaal doonayey inay goobta ka soo qaadaan dhaawacyadda.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa xaqiijiyay in ay weerar ku qaadeen inta u dhaxeysa Beledweyne iyo Maxaas.

Kooxda ayaa sheegtay in ay dileen 20 ka tirsan "maleeshiyaadka Macaawisley ee deegaanka isla markaana ay burburiyeen 8 gaari oo kuwa xamuulka ah".

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay si xooggan u cambaareysay weerarkan ay ku tilmaamtey in uu yahay "mid bahalnimo ah".

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dadka la laayay ay yihiin dad rayid ah oo loo beegsadey "si ola kac ah" isla markaana Al-Shabaab ay ka aargoosaneysay abaabulka ka socda degaanka ee looga soo horjeeda dagaalameyaasha xagjirka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM