Al-Shabaab oo qiratay in ay "20 qof" ku laysay Hiiraan

Image
Image
Shan kamid ah dadkan ayaa ku nafwaayay miino la kacdey gaari ay saarnaayeen aroornimadii maanta.

BELEDWAYNE, HirShabelle - In ka badan 20 qof oo rayid ah oo ka soo ambabaxay magaalada Beledweyne kuna sii jeeday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa la rumeysan yahay in Al-Shabaab ay dileen subaxnimadii hore ee saaka.

Saddex ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay la socdeen maleeshiyaatka Macawiisley una socdeen in ay u gurmadan dadkan ayaa lala eegtay miinooyin dhulka lagu aaso , waxaana laga yaabaa in khasaaruhu intaa ka badan karo.

Shan qof ayaa ku dhimatay gaariga miinada lala eegtey oo ka dhacay Afar Irdood. Dadku waxay ahaayeen gurmadayaal doonayey inay goobta ka soo qaadaan dhaawacyadda.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa xaqiijiyay in ay weerar ku qaadeen inta u dhaxeysa Beledweyne iyo Maxaas.

Kooxda ayaa sheegtay in ay dileen 20 ka tirsan "maleeshiyaadka Macaawisley ee deegaanka isla markaana ay burburiyeen 8 gaari oo kuwa xamuulka ah".

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay si xooggan u cambaareysay weerarkan ay ku tilmaamtey in uu yahay "mid bahalnimo ah".

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dadka la laayay ay yihiin dad rayid ah oo loo beegsadey "si ola kac ah" isla markaana Al-Shabaab ay ka aargoosaneysay abaabulka ka socda degaanka ee looga soo horjeeda dagaalameyaasha xagjirka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM