Al-shabaab oo qiratay qaraxii diyaarada Daalo

Image

MUQDISHU- Al- shabaab ayaa Afhayeen u hadlay Sabtida waxaa uu sheegey in qaraxii ka dalooliyey dhinaca diyaaradii Daalo ka dambeeyeen.

Qofkii ku dhintey diyaarada Daalo ayaa la rumeysan yahay inuu damacsanaa in dadka diyaarada saaran gabi ahaantooda ku laayo qaraxaan. 

" Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa ka dambeysay qaraxii ka dhacey Daalo, waxayna ka argoosanayeen weerarada sirdoonka masiixiyiinta u gaystaan Somalida Muslimiinta." ayuu sheegey Afhayeenka ururkaan oo email I soo direy saxaafada. 

Asbuucii lasoo dhaafey sirdoonka dalka Mareykanka ayaa sheegey in qaraxa diyaarada ka dambeeyaan. 

Madaxa diyaarada Daalo oo la hadlay saxaafada asbucii la soo dhaafey in qaraxa lala damacsanaa diyaarada Turkiga oo baajisay duulimaad ku imaan lahaayeen magalaada Muqdishu kadib markii shaki ka muujiyeen cimilada .

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM