Al-Shabaab oo weerar ku qaadday saldhig ku yaalla gobolka Gedo

Image

KISMAYO, (GO) - agaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Geriley ee gobolka Gedo. Waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa AS.

Saldhiga Geriley ayaa ka mid ahaa todobo saldhig oo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ay ku wareejiyeen ciidamada nabad sugida Soomaaliya todobaadkii hore.

Dowladda Federaalka oo gacan ka helaysa ciidamada daraawiishta Jubbaland ayaa dagaal culus la galay maleeshiyada. 

Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaa xaqiijiyay in ciidamada Soomaaliya ay weli gacanta ku hayaan saldhigga Geriley ee gobolka Gedo. Balse ma uusan sheegin wax war ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa hore walaac ka muujiyay ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya ayaa isaga oo ku tilmaamay qorshe aan laga fiirsan.

Walaaca uu muujiyay Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa ku soo aadaya, iyadoo labo maalmood ka hor uu Taliyaha Ciidanka Militariga Kenya, Gen Francis Ogolla uu booqasho ku tagay Magaalada Kismaayo, Xarunta Maamulka Jubbaland.

Booqashadan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa xilli la qorsheynayo in ciidamada ATMIS ay gabi ahaanba is kaga baxaan dalka, xilli ay sii kordhayaan weerarada ay geysanayaan maleeshiyada Al-Shabaab. 

Xaaladda amni ee Soomaaliya ayaa ah mid aan la isku haleyn karin, waxuuna dalka weli la daalaa dhacayaa weerarda ay fuliyaan argagaxisada iyo xassilloni darro siyaasadeed.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM