Al Shabaab oo weerartay saldhiga ATMIS ee Ceel-Baraf

Image
Weerarka ayaa ku bilaawday gaari lagu soo buuxiyay walxaha qarxa sida laga soo xigtay saraakiisha milatariga Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaalyahano ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ayaa saakay waabarigii dagaal ku galay Saldhig Ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS Ku leeyahay Deegaanka Ceel Baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa sida ay xaqiijiyeen saraakiil amaan.

Weerarka ayaa ku bilaawday gaari lagu soo buuxiyay walxaha qarxa sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ku sugan gobolka Shabeellaha.

Dagaal toos ah ayaa xigay qaraxyadaan lagu beegsaday goobaha laga ilaaliyo xerada sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah, Ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa Dalka Burundi ayaa sheegay sheegay in ay weerarkaas iska caabiyeen.

Sarkaal ka tirsan milatariga ayaa u sheegay warsida GO in ugu yaraan afar askari oo ka mid ah ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku dhinteen weerarkan halka shan kalana ay ku dhaawacmeen.

Sarkaal ma xaqiijin khasaaraha gaaray ciidanka midowga Afrika.

War kasoo baxay Al-Shabaab waxa ay ku sheegeen in dagaalamayaal katirsan ay weerar ku qaadeen aroornimadii hore ee saakay xero Ciidanka Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Al-Shabaab ayaa intaas ku dartay in ay si buuxda u qabsatay Xerada oo muddo kooban dagaal kula jireen Ciidanka Midowga Afrika ee ku howlgala Magaca ATMIS gaar ahaan kuwa ka socda Dalka Burundi.

Khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac ayaa lagu sheegay Bayaanka Al-Shabaab in uu ka dhashay dagaalka balse lagu muujin tiro rasmi ah oo dhankooda iyo dhinaca Ciidanka Midowga Afrika ku gaaray Dagaalkaan.

Deegaanka Ceel Baraf waxa dhowr ka dhacay weeraro Al-Shabaab ku qaaday saldhigyo Ciidamada Midowga Afrika ku leeyihiin deegankaas oo muhiim u ah isku socodka deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM