Al-Shabaab oo "weerartey" ciidamo Kenya iyo Itoobiyaaan ah

Image
Ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashooyinkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa sheegay in ay weerareen saldhig ay ciidamadda Kenya ee kamid ah ATMIS ay ku leeyihiin degaanka Hosingow ee gobolka Jubada Hoose.

Warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa sidoo kale waxay wariyeen in ay beegsadeen xero ay ciidamadda Itoobiya ku leeyihiin degaanka Waajid ee gobolka Bakool.

Si lamid ah, warbixinta ayaa intaas ku dareysa in dagaalameyaasha hubeysan ay weerar noocaan ah ku ekeeyeen xero ciidan oo ku taala degaanka Caymiska ee duleedka Muqdisho.

Tafaasiisha ayaa intaas ku dareysa in kolanyo ciidan ay qarax miino kula eegteen inta u dhaxeysa magaalada Baydhabo iyo tuuladda Daynuunay ayna halkaas ku dhaawacmeen laba askari.

Ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashooyinkan. Talisyadda xerooyinka la sheegay in ay Al-Shabaab weerartey ayaan dhankooda wali wax war ah kasoo saarin falalkan.

Weeraradan ayaa kusoo aadaya xilli Jubaland iyo Koonfur Galbeed ay muddooyinkii ugu dambeeyay ka socdeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo loogu diyaar-garoobayey guluf ka dhan ah xoogaga Al-Shabaab.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka dhigay in diyaar-garowga ka socda goboladan uu yahay mid kaalin weyn ka qaadan doona dabar-goynta "Khawaariijta nabada u diidan Soomaaliya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM