Al-Shabaab oo weerartey degaan dhowaan lala wareegay

Image
Tuuladan ayaa hoostagta degmada Runir-good oo qiyaastii 275 KM dhinaca bari kaga beegan Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Khasaaro ayaa lasoo wariyey kadib markii Al-Shabaab ay weerar toos ah oo qaraxyo ku bilowday ku ekeeyeen degaanka Hilowle-Gaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

"Qaraxyada kadib waxaa xigtey is-rasaaseyn dhexmartey dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo magaciisa ka gaabsadey.

Ma jiro hadal rasmi ah oo dhinacyada wali kasoo saareen falkan. Tuuladan ayaa hoostagta degmada Runir-good oo qiyaastii 275 KM dhinaca bari kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Hilowle-Gaab ayaa kamid ah degaanada ay bilooyinkii ugu dambeeyay la wareegeen ciidamada dowladda federaalka oo taageero ka helaya dadka degaanka iyo saaxiibadda caalamiga ah.

Weerarkan ayaa imaanaya maalin kadib markii laba qarax oo Al-Shabaab ay ka fulisay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ay ku naf-waayeen ku dhowaad 35 ruux oo u badan dad shacab ah.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa tibaaxay in ay beegsadaan guriga Xildhibaan Jacfar oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya kaasoo waday abaabul ciidan.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay goob ay ku badan dad shacab oo ah suuq. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qoys ka kooban sagaal ruux ay oo ay ku jiraan aabaha iyo yooyada ku naf-waayeen falkaas.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgaladii ugu dambeeyay ee la fuliyey bilooyinkii lasoo dhaafay ay ku dhinteen in ka badan 2,000 Al-Shabaab ah. Ma aysan soo bandhgin wax caddeyn ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM