Al-Shabaab oo weerartey "xaruntii" Macawiisleyda ee Muqdisho

Image
Is-rasaaseyn u dhaxeysa kooxda hubeysan iyo ciidanka dowladda ayaa laga maqlayaa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley Al-Shabaab ah ayaa weerar qarax ku bilowdey ku galay guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee magaala madaxda Muqdisho, Hoygan ayaa la sheegay in lagu dhadhiibayay ciidamo kusoo dhaawacmay dagaallada gobolka Hiiraan.

Kooxda hubeysan ayaa ahayd shan - hal isku-qarxiyey iridka iyo afar dabley gudaha u gashay, sidda laga soo xigtey illo ku dhow laamaha ammaanka Soomaaliya.

Laamaha amniga ayaa sideed saacadood kusoo afjaray weerarkan. Wasaaradda warfaafinta ayaa xaqiijisay in tobban qof uu galaaftey weerarka kuna dhaawacmeen afar kamid ay cutubyadii gurmadka u tagay hoyga.

Balse ma kala caddeyn haddii dadka geeriyooday ay ahaayeen askartii dhaawaca ahayd ee lagu baxnaaninayey dhismaha. "Kooxda Khawaariijta ee weerarka soo qaadey waxaa toogtey ciidamadda," ayay raacisay wasaaradda.

War qoraal ah oo kasoo baxay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa lagu sheegay in gurigan uu ahaa "xarunta Macawiisleyda gobolka Hiiraan ee Muqdisho ayna ku dileen tobanaan kamid ah maleyshiyaadka dhaawaca ahaa".

Weerarkan ayaa saameeyay ciyaaro qorshuhu ahaa in ay ka qabsoomaan garoonka kubadda cagta Injineer Yariisow kuwaasoo ka tirsanaa koobka kubada cagta degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulamadan ayaa u dhaxeeyay degmooyinka Cabdicasiis v Shibis iyo Waaber v Dharkeenley. Maamulka tartankan ayaan wali soo bandhigin waqtiga xigga ee la dheeli doono kulamaddan la sugayey.

Isla maanta, gudaha caasimada Muqdisho, qarax miino oo uu ka badbaadey taliye ciidan ayaa galaaftey hal qof shacab ah iyo laba kamid ah ilaaladda sarkaalkan oo lagu magacaabo Maxamed Daahir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gudoomiyah Baydhabo oo lagu soo rogay Xabsi Guri xili xiisad ka jirto Koonfur Galbeed

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladda faahfaahin dheeraad ah ka bixiso xaaladda sharciga ah ee guddoomiye Watiin.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 01:27PM

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM