Al-Shabaab oo weerartey saldhig ay leeyihiin ciidanka Itoobiya

Image
Rasaas xooggan iyo qaraxyo ayaa Arbacada maanta ah waxaa laga maqlay xeradan.

KISMAAYO, Jubaland State - Rasaas xooggan iyo qaraxyo ayaa Arbacada maanta ah laga maqlay xero ciidan oo ku taalla duleedka degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaasoo saldhig u ah ciidanka Itoobiya.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna tibaaxdey in laba qarax oo ismiidaamin ah ay la beegsadeen xerada ciidamada Itoobiya. Khasaaraha weli lama oga.

Falkan ayaa kusoo aadaya maalmo kadib markii Al-Shabaab ay weerartay ciidamada Uganda ee ku sugan degmada Buulo-Mareer, halkaasoo lagu dilay 54 askari, sida uu xaqiijiyay madaxweynaha dalkaas.

Weerarka ayaa iftiimiyey dhibaatooyinka amni ee baahsan ee ka jira dalka ku yaalla Geeska Afrika oo la daalaa dhacaya sidii uu uga soo bixi lahaa tobanaan sano oo colaado iyo masiibo dabiici ah.

Gulufkan ayaa sidoo kale waxa uu ku biiray liiska weeraradii ugu xummaa ee xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay la beegsadaan ciidamadda nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Bishii Maajo 2022, dableyda ayaa weerar ku qaaday saldhig ay leeyihiin ciidamada Midowga Afrika, waxaana ay bilaabeen dagaal xooggan oo ay ku dileen ku dhawaad ​​30 askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Burundi, sida uu AFP u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Burundi.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo qoraalo kala duwan soo saarey xilligaas ayaa cambaareeyay weerarka, iyadoo aan la shaacin tirada dadka ku dhintay.

Bishii Sebtembar 2015, ugu yaraan 50 ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ayaa laga soo xigtay ilo milateri oo reer galbeed ah inay dhinteen markii dagaalameyaasha Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo Koonfur-galbeed kaga beegan Muqdisho.

Ciidanka ATMIS-ka oo ka kooban 20,000 oo xubnood ayaa inta illaa haatan la diiwaan-geliyey waxay la kulmayaan weeraro ka badan kahor inta aysan kasoo guurin magaca AMISOM.

Cutubyada milatari ee ka tirsan taliskan ayaa waxay kasoo kala jeedaan dalalka; Uganda, Burundi, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya, iyadoo ciidamadoodu ay joogaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

 Soomaaliya oo laga reebay dalalka Muwaadiniintooda Fiisaha Kenya loo fududeeyay

Soomaaliya ayaa laga reebay sababo la xiriira amniga, sida Liibiya oo ku taalla waqooyiga Afrika.

  • Soomaliya

    22-01-2025

  • 09:27AM

Taliyaha Ciidamada Israa'iil oo Fashil dartiis isku casilay

Hoggaamiyaha mucaaradka ee Israa'iil Yair Lapid ayaa ku amaanay Halevi go’aanka uu ku istaagay, isagoo ku baaqay in Netanyahu uu ku daydo.

  • Soomaliya

    22-01-2025

  • 07:10AM