Al-Shabaab oo weerartey xafiiska duqa caasimada Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya - Qaraxyo iyo weerar toos ah ayaa Axada maanta ah lagu qaadey xarunta gobolka Banaadir ee ku taalla degmada Xamar-wayne ee magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, sidda ay dhowr mas'uul xaqijiyeen.
Kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa barta ay ku leeyihiin mareegta Telegram-ka waxay ku sheegteen in ay beegsadeen xafiiska duqa caasimadda, Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.
Illo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in qaraxyada ay ka dhaceen dhabarka dambe ee xafiiska Madaale.
Madaale ayaa haatan ku maqan safar dibadda ah. Muuqaalo lagu baahiyey internet-ka ayaa muujiyey shaqaale badan oo ka badbaadey weerarka kuwaasoo ka boodaya daaqadaha dhismaha xarunta gobolka.
Illaa haatan, lama ogga waxyeeladda guud ee falkan ka dhashay. Sidoo kale, waxaanan la ogeyn tiradda dableyda gashay gudaha xarunta iyo qaabka ay ku gaareen meesha ay wax ka dhaceen.
Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye oo la wariyey in uu kamid yahay shaqsiyaadka ka badbaadey falkan, ayaa xusay in uu socdo howlgal lagu soo afjarayo weerarka.
"Alle ayay mahad u sugnaatay dhamaan maamulka sare ee Gobolka Benaadir way nabad qabaan. Weerarka ayaa saakay khawaarijtu kusoo qaadeen xarunta dhexe Gobolka Banaadir, Inta badan shaqaalaha waa la soo badnaadiyay, welina waxaan kujirnaa howl-galka," ayuu xusay.
Weerarkan ayaa kusoo hagaagaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen digniino ku saabsan in caasimadda ay ka dhici karaan weeraro maadaama maleyshiyaadka Al-Shabaab uu culeys badan ku wajahayaan furimaha dagaalka ee goboladda.
GAROWE ONLINE