Al-Shabaab oo weerartey xero ay leeyihiin milatariga Soomaaliya

Image
Isla degaanka uu ku yaallo saldhig, qarax miino ayaa laba qof ku dhaawacay Axadii todobaadkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalameyaal ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay saaka weerareen saldhig ay ciidamadda dowladda federaalka ku leeyihiin duleedka Koonfur Bari ee Baydhabo.

Warar horudhac ah oo laga helay illo degaanka ah ayaa tibaaxaya in ciidamadda iyo maleyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida uu dhexmaray dagaal toos ah kaasoo socdey muddo saacado ah.

Fahfaahinada ayaa intaas ku daraya in uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaarey labada dhinac. Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in waxyeelo jirto dhankooda.

"Dagaalameyaasha Al-Shabaab waxay weerarka kusoo qaadeen si abaabulan. Waxaan illaa haatan la xaqiijiyey geerida saddex askari oo dhanka ciidanka ah," ayuu yiri qof goobjooge ah.

Degaanka Daynuunay ayaa 18 KM wuxuu dhanka Koonfur Bari kaga beegan yahay caasimadda ku meelgaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Ma jirto wax war ah oo ku saabsan weerarkan oo ilaa haatan kasoo baxay dhanka xoogaga Al-Shabaab. Weerarkan wuxuu imaanayaa xilli abaabul ka dhan ah Khawaariijta uu ka socdo Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, qarax miino oo lagu qariyey geed korkiisa kana dhacay degaanka Daynuunay Axadii todobaadkan ayaa sababay dhaawaca laba qof. Mas'uuliyiinta degaanka ayaa dadkaas ku sheegay dad shacab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM