Al-Shabaab oo wajahaysa 'guuldarada' kacdoonka shacabka

Image
Taliyaha ciidammada dhulka ee milateriga Soomaaliya Janaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa u jawaabay horjooge Cali Dheere.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha ciidammada dhulka ee milateriga Soomaaliya Janaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka jawaabay hadalka Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Dheere, kaas oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka ay iclaamisay dowladda Soomaaliya iyo kacdoonka shacabka.

Jeneraal Biixi ayaa wareysi uu siiyey Radio Muqdisho wuxuu ku sheegay in hadalka Cali Dheere uu dhageystay, balse uu ula muuqday ‘cataaw’ ay ka keentay guul darada ee dagaalka.

“Horta Cali Dheere iyo Al-Shabaab waxaan leeyahay kala daaya in caruur aad leysaan, kadibna aad dhahdaan ‘Alxamdu’ calaacalka Cali Dheere waan dhageystay waxaana iiga muuqatay inay ku guul da reysteen dagaalkooda waxuushnimada ah,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in hawlgalka ay ka wadaan gobolka Hiiraan ay haatan diiradda ku saarayaan sidii la isugu furi lahaa waddada u dhaxeysa magaalooyinka Beledweyne iyo Buulaburde oo ay muddo sanado ah kala gooyeen ururka Alshabaab.

Hadalka Milatariga ayaa ku soo beegmaya iyadoo deegaanno hoos taga degmooyinka Maxaas, Buulo-Burde, iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan lagala wareegay Al-shabaab. Deegaanna laga saaray Al-Shabab waxa kamid ah Teedaan, Hees, Sagalgeed, Geedasamo, Yaasooman, iyo Aboorey.

Waxa kaloo lagu guuleystay in la Isu furo waddooyinka u dhaxeeya magaalooyinka Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage ayaa dhawaan booqasho ku tagay gobolka Hiiraan si ay u caddeeyaan garab istaagga dowladda ee qabaa'illada la dagaalamaya Shabaabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM