Al-shabaab oo Kenya ugu hanjabtey weerarro hor leh

Image

April 5, 2015 (GO)- Al-shabaab ayaa markii ugu horreysey ka hadashay sababta ku kalliftey weerarkii ay labo maalmood kahor kusoo qaadeen Jaamacadda Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Qoraal kasoo baxay qaybta warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ahaa mid loogu aargudayo dadka muslimka ah ee ku nool geeska Afrika kuwaasoo dhibaato joogto ah kala kulma dowladda Kenya, waa sida qoraalka lagu sheegaye.

"marka laga hadlayo Bariga Afrika, Muslimiintu waxaaa laga xayuubiyay wax waliba oo sharaf ah oo ay lahayeen, iyadoo lagula kacay falal wuxuushnimo ah kuwii ugu darnaa, kaddib markii ay ka dhiidhiyeen inay u hogaansamaan dulmiga iyo ihaanada gaalada. Sidaa awgeed Al-Shabaab waxay dhabarka u ridatay u hiillinta walaalahooda muslimiinta ah, iyadoo qaadday weerarro loogu aar-gudayo muslimiinta ku baxay gacanta ciidamada Kenya" ayaa qoraalka lagu yiri.

Al-shabaab ayaa sidoo kale ku gooddidey weerarro caynkan oo kale ah oo ay ka geysan doonto gudaha dalka Kenya iyo wadamada kale ee Soomaaliya ciidamadu ka joogaan. Mar kale ayey Al-shabaab ugu baaqdey dowladda Kenya inay la baxdo ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Weerarkii labo maalmood kahor lagu soo qaadey Jaamacadda Gaarisa wuxuu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Al-shabaab ka fuliso gudaha dalka Kenya. 147 qof oo ardey u badnaa ayaa weerarkaas ku geeriyoodey, waxaa sidoo kale ku dhaawacmey ku dhowaad 80 qof oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM