Al-shabaab oo Kenya ugu hanjabtey weerarro hor leh

Image

April 5, 2015 (GO)- Al-shabaab ayaa markii ugu horreysey ka hadashay sababta ku kalliftey weerarkii ay labo maalmood kahor kusoo qaadeen Jaamacadda Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Qoraal kasoo baxay qaybta warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ahaa mid loogu aargudayo dadka muslimka ah ee ku nool geeska Afrika kuwaasoo dhibaato joogto ah kala kulma dowladda Kenya, waa sida qoraalka lagu sheegaye.

"marka laga hadlayo Bariga Afrika, Muslimiintu waxaaa laga xayuubiyay wax waliba oo sharaf ah oo ay lahayeen, iyadoo lagula kacay falal wuxuushnimo ah kuwii ugu darnaa, kaddib markii ay ka dhiidhiyeen inay u hogaansamaan dulmiga iyo ihaanada gaalada. Sidaa awgeed Al-Shabaab waxay dhabarka u ridatay u hiillinta walaalahooda muslimiinta ah, iyadoo qaadday weerarro loogu aar-gudayo muslimiinta ku baxay gacanta ciidamada Kenya" ayaa qoraalka lagu yiri.

Al-shabaab ayaa sidoo kale ku gooddidey weerarro caynkan oo kale ah oo ay ka geysan doonto gudaha dalka Kenya iyo wadamada kale ee Soomaaliya ciidamadu ka joogaan. Mar kale ayey Al-shabaab ugu baaqdey dowladda Kenya inay la baxdo ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Weerarkii labo maalmood kahor lagu soo qaadey Jaamacadda Gaarisa wuxuu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Al-shabaab ka fuliso gudaha dalka Kenya. 147 qof oo ardey u badnaa ayaa weerarkaas ku geeriyoodey, waxaa sidoo kale ku dhaawacmey ku dhowaad 80 qof oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM