Al-shabaab oo weerar ku qaadey saldhig ciidamada Jubaland

Image

14 Nov, 2015 (GO)- Wararka warsidaha Garowe online ka helayo magaalada Kismayo ayaa sheegaya in ururka Al-shabaab xaley 13 Nov,2015 weerar ku qaadeen xero ciidamada Daraawiishta Jubaland dagan yihiin.

Kuliyadii hore ee ciidamada Cirka oo ku taal duleedka magaalada Kismayo ayaa weerarkan ka dhacey iyadoo wararku sheegayaan  in kooxda Al-Shabaab u suurtagali waydey iney qabsadaan xeradaas kadib markii ciidamada ku sugnaa iska-caabin xoogan kala kulmeen.

Dagaalkaan ayaa guud ahaan dhimashada gaareysaa 15 qof halka dhaawacayada yihiin 25 qof.

Warsidaha Garowe Online oo la hadley wasiiirka amniga Jubaland ayaa u sheegey in dagaalkaas kaga dhinteen 9 Askari halka ay ka dhaawacantey 7 Askari.

GAROWEONLINE.

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM