Al-shabaab: sarkaalkii la qabtay anaga nagama tirsaneyn

Image

December 28, 2014 (GO)- Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in uusan iyaga ka tirsaneyn sarkaal lagu magacaabo Sakariye Ismaaciil Xirsi oo shalay isu soo dhiibey ciidamada Dowlada Federaalka ee ku sugan gobolka Gedo gaar ahaan degmada Ceelwaaq.

Qoraal Al-shabaab ku daabacday internetka ayaa lagu sheegay in ninkaasi muddo sanad iyo bar laga joogo kahor ka goostay Al-shabaab islamarkaana wadashaqeyn toos ah la lahaa Dowlada Federaalka, waa sida hadalka loo dhigaye.

Sakariye Ismaaciil  wuxuu kamid ahaa saraakiishii Al-shabaab ee ay is khilaafeen hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, wuxuuna in muddo ah ku dhuumaaleysaneyey miyiga gobollada Gedo iyo Jubbooyinka kadib markii Godane amray in la laayo Sakariye iyo  xubnihii kale ee ay isku fikirka ahaayeen. 

Xilal badan ayuu kasoo qabtay kooxda waxaana kamid ahaa: madaxa sirdoonka geeska Afrika, madaxa wilaayaadka (gobollada) iyo abbaanduulaha guud ee ciidamada Al-shabaab.

Sanadkii 2012 dowlada Maraykanka ayaa saddex milyan oo doolar u ballan qaaday ciddii keenta xog sahleysa in la dilo ama nolosha lagu soo qabto dhowr nin oo Sakariye Ismaaciil kamid ahaa.

Si kastaba ha ahaatee isa soo dhiibista sarkaalkaas ayaa kusoo aadey maalin kadib markii Al-shabaab weerar qorsheysan oo khasaare badan dhaliyey ku qaaday saldhiga ugu weyn ciidanka AMISOM ee Xalane.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM