Al-shabab oo ka baxay Kudhaa iyo ciidanka jubaland oo la wareegey

Image

March 22, 2015 (GO)- Ciidamada Jubaland oo kaashanaya kuwa Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM ayaa goor hore oo saaka ah la wareegey deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey xoogag Al-shabaab ka tirsani ku sugnaayeen.

Ciidamada is garabsanaya ayaa si nabad ah Kudhaa kula wareegey kaddib markii mileeshiyaadka Al-shabaab saqdii dhexe ee xalay ay deegaankaas isaga baxeen.

Kudhaa ayaa ah goob muhiimad gaar ah ku fadhida marka la eego juqraafi ahaan halka ay dhacdo iyo weliba inay leedahay deked macmal ah, taasoo horay Shabaabku ugu adeegsan jireen inay dhuxusha ka dhoofiyaaan islamarkaana la rumeysan yahay inay hubka kala soo degi jireen.

Roobabka Guga ee ka curtey qaybo kamid ah dalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay saameyn ku yeeshaan hawlgallada la doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin gobollada Jubada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, maadaama dhiirigu caqabad ku noqon doono dhaq dhaqaaqa ciidamada.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa lagu soo warramayaa inay dul heehaabayaan Kudhaa iyo deegaanada ku xeeran, sidoo kale maraakiibta dagaalka ee Kenya ayaa kusoo dhowaadey xeebta.

Ciidamada Jubaland ayaa Al-shabaab ka saarey deegaankaas October 25, 2014  balse Shabaabka oo duullaan rogaal celis ah soo qaadey ayaa dib ula wareegeey mar kale November 8, 2015.

Dadka ku dhaqan Kudhaa ayaa u badan kalluumeysato noloshooda ku maareeya wax soo saarka badda, waxayna kalluunka u dhoofiyaan dalka Kenya.

GAROWE ONLINE 

 

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM