Al-shabab oo sheegtay mas'uuliyadda qaraxii ka dhacy Hotel SYL

Image

January 23, 2015 (GO)- Kooxda al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay afaafka hore ee Hotel SYL ee magaalada Muqdisho.

Af-hayeenka hawlgallada al-shabaab, Cabducasiis Abu-Muscab ayaa sheegay in weerarkaas iyagu ka dambeeyeen kuna dileen saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya.

Af-hayeenku wuxuu  ku goodiyey inay sii wadi doonaan weerarada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, waxaa 24tii saac ee ugu dambeeyey si weyn loo adkeeyey ammaanka magaalada Muqdisho, halkaasoo la filayo in maanta uu soo gaaro Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo.

Inta bada jidadka muhiimka ah ayaa xiran, waxaana la xakameeyey dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Booqashada Recep Tayyib Erdogan ayaa noqoneysa tii labaad ee uu Muqdisho ku yimaado. Sanadkii 2011, markaasoo macaluuli ka jirtey qaybo kamid ah gobolada koonfureed ee dalka ayaa Erdogan -oo markaas ra'isul wasaare ahaa- iyo xaaskiisu booqasho taariikhi ah kusoo gaareen Muqdisho.

Booqashadaas ayaa indhaha caalamka usoo jeedisey Soomaaliya. Mudada uu Muqdisho ku sugan yahay, Madaxweynaha Turkigu wuxuu la kulmi doonaa madaxda dalka, qaybaha kala duwan ee bulshada isagoo sidoo kale booqan doona mashaariic dowlada Turkigu ka fulisey Muqdisho.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM