Al-shabab oo weerartey kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM

Image

April 19, 2015 (GO)- Kolonyo ay la socdeen ciidamada AMISOM ayaa maanta lagu weeraray agagaarka deegaanka Yaaq Bariweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida wararku sheegayaan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa wadada u galay kolonyadan oo gaarayay ilaa shan gaari, waxaana halkaas ku dhex maray dagaalo muddo kooban socday.

Dadka deegaanka ayaa ku soo waramaya inay maqlayeen rasaas iyo qaraxyo xoogan, isla markaana dagaalka uu ahaa mid aad u culus..

Al-Shabaab ayaa sheegataymas'uuliyadda weerarkan, iyadoo sidoo kale sheegtay inay ku dishey shan askari oo ciidamada Brundi ka tirsan labo gaarina ay ku gubeen.

Dhanka AMISOM afhayeen u hadlay ayaa sheegay in weerarka saddex askari kaga dhinteen labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Weerarkan ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa gaadiidka ee wadada isku xirta Muqdisho ilaa Baydhabo, waxaana gawaari ka kala baxay Muqdisho iyo Baydhabo ay ku xaniban yihiin wadadaas, kuwaasoo aan wali isu gudbin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM