Amarro lagu soo rogay Ajaaniibta ka shaqeeya deegaanada KG

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga iyo Hubka dhigista Malleeshiyaadka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed [Xasan Eelay] ayaa kulan gaar ah la qaatey Hay’addaha Samafalka ee ka howlgala deegaanada maamulkaasi.

Kulankaan oo ay kasoo qeyb-galeen Hay’addaha Maxaliga ah ee Soomaalida iyo kuwa Ajaaniibta ah ayaa waxaa looga hadlay sidii loo adkeyn lahaa amaankooda, iyo sidii dhankooda ula shaqayn lahaayeen laamaha amaanka KG.

Wasiir Xasan Eelay ayaa sheegay in maamulkiisa uu doonayo in Ajaaniibta ay iska soo diiwaan-geliyeen Xafiiska Wasaarada Amniga, maadaama buu yiri ay hayaan xogo ku aadan in la qorshenayo afduub loo geysto Ajaaniibta.

“Waxaan rabnaa inaan runta isku sheegno. Hada aniga hal qof kama garanayo Hay'adaha Ajnabiga ama kuwa Soomaalida, marka hadii ay wax dhacaan anigoo wasiirka ah ma waxaan leeyahay ma garanayo, taasi macquul ma ahan,” ayuu yiri mudane Eelay.

“Marka, amaankiina anaga ayaa mas'uuliyad gaar ah naga saaran yahay, sidaas darteeda idinkuna waxan idinka codsaneynaa inaad iska soo diiwaan-gelisaan Wasaarada Amniga si aan dhaqdhaqaaqiina ula socono,” ayuu Wasiirka kusoo xiray hadalkiisa.

Kulankan ayaa yimid kadib markii dhowaan magaalada Muqdisho lagu afduubtay Gabar u dhalatay Jarmalka oo u shaqeynaysay ICRC, taasi oo wali aan la ogayn halka lagu hayo, wallow dowladu sheegeyso inay baadi-goob ugu jirto.

Tani waxay sare usii qaadatay baqdinta ku aadan inay dhacaan weeraro kale oo Afduub ah, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed uu isku dayayo inuu ka hor-tago isku day kasta oo la doonayo in lagu afduubo ama lagu dhibaateeyo dadka ajnabiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM