Puntland oo xareysay ciidamo uu Mareykanku ku tababari doono saldhigga Boosaaso
BOOSAASO- Dowladda Puntland ayaa billawday xareynta ciidamo cusub oo uu tababari doono Mareykanka, kuwaas oo tababarkooda lagu qaadan doono saldhigga milatari ee Mareykanka ku leeyahay magaalada Boosaaso.
Wararka laga helayo Puntland ayaa sheegaya in ku dhowaad 100 askari oo laga soo kala xulay qeybaha kala duwan ee ciidamada maamulka la xareeyay, si loogu diyaariyo tababar iyo howlgallo amni.
Ciidamadan ayaa la filayaa inay helaan tababar gaar ah oo la xiriira howlgallada milatari, la dagaallanka kooxaha hubeysan iyo xoojinta awoodda ciidamada Puntland.
Tallaabadan ayaa daba socota heshiis ay dhawaan kala saxiixdeen Mareykanka iyo Puntland, kaas oo la xiriira tababarka, qalabeynta iyo bixinta mushaaraadka ciidamada Puntland.
Heshiiskan ayaa qeyb ka ah iskaashiga amni ee labada dhinac, iyadoo ujeeddadiisu tahay xoojinta awoodda ciidamada Puntland iyo taageeridda howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish ee deegaannada maamulka.
GAROWE ONLINE